1. Home
  2. SHEEKO
  3. TANI WAA DHAKO KALE MARYOOLEEY
TANI WAA DHAKO KALE MARYOOLEEY

TANI WAA DHAKO KALE MARYOOLEEY

0
0

 TANI WAA DHAKO KALE,MARYOOLEEY.!!

 

 

 

Nin Sxbkeey ah oo ay isaga iyo qoyskiisu Mareykanka degan yihiin,baan xalay cabaar ka sheekeysanay doorashada la filayo iney dalkeena Dhawaan ka  dhacdo

Sxbkeey intaanan waxbadan sheekeysan ayuu cambaareyn iyo eedo badan oo ay geysteen iyo kuwa aaney geysanba dusha uga tuuray qaar murashixiinta ka mid ah, mararka qaar Wax buu saadaaliyaa,misna isagaa is buriya, markii dambaan ku iri, Sxb horta doorashadii dhaweyd ee Mareykanka Trump & Biden Adigu kee baad u codeysay?

Intuu soo booday buu igu yiri,:- Dulyar ma waalan tahay Trump 4tii sano ee uu Aqalka Cad joogay dadka Mareykanka ah waxba uma qaban, dunida kalena dhibaatuu ku ahaa, marka qofka kasta oo Aan cunsuri aheyn oo jecel horumarka USA dabcan wuxuu u codeeyay Biden.Aniguna Anigoo ka fekeraya mustaqbalka caruurteyda iyo kan guud ee dalka ayaan Biden u codeeyay..

-Haa,si fcn baad yeeshay baan ku iri, waxaana u raaciyey Trump wax leyska qabto waa ahaa, balse inteysan maskaxdiisu nasan ayaan su’aal kale oo doorashadeena ku saabsan ku celiyey oo waxaan weydiiysy, Sxb hada Murashixiinta sanadkaan raba iney Soomaaliya Madaxweyne ka noqdaan koleey waad la socotaaye kee baad jeclaan laheyd inuu dalka hogaamiyo, ?

-Sxbkeey maba laba labeyne wuxuu la soo booday ….Sxb Aniga sanadkaan Murashax HEBEL baan wataa oo aan jeclaan lahaa inuu Madaxweyne dalka ka noqdo.

•Subxaanaka yaa cadiim, Hebelka uu sheegay waa mid daqaro badan ku yaalaan, balse inaan Shock galey si uusan u dareemin ayaan weydiiyey,Sxb waa Siyaasi fcn wuuna mudan yahaye ee Adigu maxaad ku dooratay?

-Kuye waxaan ku doortay …..BALAA ..BALAA, iyo in uu yahay Nin ka soo bixi kara xilkaas, ……Waa un iska formallaha ay Maryooleey wax ku doorato.

Markiiba niyaddaan iska iri, Ninkaan USA oo caruurtiisu degan tahay wuxuu Madaxweyne Biden ku doortay in uu Trump ka wanaagsan yahay, isagoo ka eegaya mustaqbalka dalka,  dadka iyo Caruurtiisaba ,

Balse doorashada dalkiisa wuxuu jecel yahay in Madaxweynaha lagu doorto BALAA BALAA iyo Sheekoda  ay Maryooleeydu  hebel Madaxweyne ula jeclaato, iyagoo aan wax dan ah ka laheyn mustaqbalka dalka,dadka iyo xitaa tan caruurtooda. 

Markalaan ku halgaaday su’aal Anigoo isaga  u xanaaqsan waxaana ku iri, Sxbow Biden waxaad ku dooratay inuu dadka iyo dadka Mareykanka wax u qaban doono, lkn Dalkaaga waxaad u dooratay Madaxweyne Trump oo kalee  maxaad ka wadaa?

-Markaasuu inta hambaabiray sida ruux hurdo ka kacay, wuxuu igula hadlay hadal isugu jirey xoogaa English ah iyo xoogaa Af-Soomaaliya, 

oo ay ugu dambeeyeen, This is a long story ee Brother aan kugu soo celiyo,pls don’t sleep….Dhuu ..Dhuu… wuuba ka baxay Yaab.

Markaan keligeey noqday ayey maskaxdeyda dib u soo celisey Qurbo joog badan oo dowladdan iyo kuwii ka horeeyay xilal ka soo qabtay sida ay u siloonaayeen iyo kuwa farabadanoo Social Media dhex fadhiya oo intaa falkinaya xumaan iyo kala fogeynta bulshada, markastana dowladdii timaada mucaarada,… waxaase ii soo baxday xisaab kale oo aanan awel tirsan jirin iney meesha ku jirto.!!

 

#Murashax2021 

 

=WAXAAD MAANTA BI’ISAAN,BIRI HA U SHALAAYINA.!!!

 

Maxaa yaab isdabayaal.!!!

Ad Banner 728 x 90
Abdulkadir Dulyar Abdulkadir Farah Dulyar waa aasaasaha dulyarnews.com. sidoo kale wuxuu doorweyn ka qaataa curinta iyo soo diyaarinta qoraalo badan oo isugu jira maqaalo, sheekooyin iyo warbixino ku saabsam dhamaan umada Soomaaliyeed meel walbey dunida ka joogaan.

LEAVE YOUR COMMENT

Your email address will not be published. Required fields are marked *