1. Home
  2. FAALLO
  3. WARBIXIN : SOOMAALIDU WEY KALA SOCOTAAYE, ISKUMA SOO SOCOTO
WARBIXIN : SOOMAALIDU  WEY KALA SOCOTAAYE, ISKUMA SOO SOCOTO

WARBIXIN : SOOMAALIDU WEY KALA SOCOTAAYE, ISKUMA SOO SOCOTO

0
0

 WARBIXIN:- SOOMAALIDU  WEY KALA SOCOTAAYE,ISKUMA SOO SOCOTO.!! @Maryooleey..WQ/-2014- tii        

                        

-Soomaaliya waa dal ka xorowday Gumeysigii kala qob-qobayay 1960-kii,islamarkaana dadkeedu go’aansaday iney midoobaan 1-dii Luulyo 1960-kii iyaga oo isku qaba hillow iyo is jaceylna si wadajir ah u yagleelay jamhuuriyad Soomaaliyeed oo ka madax banaan gumeystihii ay hor kacayeen Talyaaniga iyo Ingiriisku.

-Lama qiyaasi Karin maalmahaa faraxadda iyo damaashaadka ka dhacayay gayiga Soomaaliya,hase yeeshee  dhinicii ugu horeeyay ee xornimada qaatay waxa uu ahaa Gobolada Waqooyi, waxeyna xornimadooda qaateen 26kii bishii Juun Sanadii 1960kii, Gobolada Koonfureed iyo Gobolada Waqooyi Bari iyana waxaa ay xornimadooda qaateen 1-dii Luulyo sanadkii 1960kii. Taasoo dhankale ku asteysan midowgii labada Gobol ee Waqooyi iyo Koonfur.

Dhanka kale Shirkii Gumeystayaasha Afrika ee lagu qeybsaday Qaaraddan ee ka dhacay Barliin 1884-tii ayaa dalka Soomaaliya loogu kala qeybiyey 5 qeybood waxaana shantaasi qeybood ay kala ahaayeen:

• Somaliland oo la siiyay Gumeestihii Ingiriiska.

 Gobolada koonfurta oo la siiyay Gumeystihii Talyaaniga.

• Xeebta Soomaaliyeed ee Jabuuti ee loo dhiibay Gumeystihii Faransiiska.

• N.F.D oo iyadana la siiyay dalka Kenya .

Iyo gobolada Soomaali Galbeed oo gacanta loo geliyay Dawladda Ethiopia. shantaan gobolna waxaa la isku oran jiray  shanta Soomaaliya. taariikhdu markii ay eheyd 27kii bishii Juun sanadii 1977 ayay Jabuutina xornimadeeda qaadatay, waxaasa wali gacanta Soomaalida  ka maqan Soomaali Galbeed iyo N.F.D oo ay haatan ay ku nool yihiin dad Soomaaliyeed oo kala hoostaga wadamada Kenya & Ethiopia.

-Intaas kadib, waan  hubaa in ay  weli jiraan dad Soomaaliyeed oo   rumeysan inay Goboladaas ka maqan yihiin oo ay iyagu iska leeyihiin,,hase yeeshee ma doonayo in aan ku sii fogaado ka hadalkooda maadaama aan xarigeenaba xoolo ku jirin oo iska daa kuwa maqane iminka  laga cabsi qabo   in  ay kuwa kaloo hor lehi si maskixiyan ah faraheena uga baxaan.

 -Markiise uu burburku ka dhacay dalka waxaa midowgii Soomaaliya sheegay iney dib ugala noqdeen Gobolada Waqooyi oo markii horaba sabab u ahaa Midowga Jamhuuriyaddii Soomaaliya kuwaas oo la baxay Somaliland,sidoo kale waxaa iyana maamul u gaara ku dhawaaqay Gobolada Waqooyi Bari oo la baxay Maamulka Puntland, inkastoo aaney iyagu sida Somaliland gooni isku taagin oo ay  weli ka mid yihiin Soomaaliya, hadana waa maamul marna la saaxiiba marna u goodiya hadba madaxda dowlada dhexe timaada.

-Labadaas dhacdo oo kala hanka iyo kala midabka ahaa wixii ka danbeeyay xaalku waxa uu ahaa mid faraha ka sii baxayay, waxaana maalin walba  nala soo barayay  Calan hor leh iyo Madaxweyne maamul oo hor leh,mana jirin markii hore dareen weyn oo laga qabay maamulada dhismaya maadaama dalka aaney ka jirin dowlad adag oo dabooli karta baahiyaha aasaasiga ah ee ay tabayaan dadka loo wada dareeriyay dhismaha maamulada goboladooda,

Waxaanse shaki ku jirin in bulshada lagu jaheeyay in maamul uu yeesho qabiilkoodu uu ka wanaagsanaan doono kan ay  ka sugayaan Qaran Soomaliyeed oo dib loo taago,.mar hadii aaney fahamsaneyn macnaha Federaalkana waxa ay ka dhigteen qiil ay kula ficiltamaan dowlada dhexe ama ay kaga baxi karaan hadii loo baahdo ayuutada Soomaaliya .

-Arinkani wuxuu u muuqdaa mar hadii ay Soomalidu ka soo gudubtay nidaamyo taxane soo ahaa oo lagu soo tijaabiyay sanadihii la soo dhaafay, sida Gacan ka hadalkii Qabaa’ilada,Jabhadihii hubeysnaa , Hogaamiye kooxeedyo,dagaal Diimeedyo iyo kuwa kaloo soo xiriirsanaa oo aynaan kaga soo bixin xeelad iyo caqli aan la nimid  ama nagu jirtee aan  uga xamdi naqeyno Allah SWTC siduu  nooga soo siraad korshay noogana soo samato bixiyay.

Hase yeeshee Markale  la doonayo in   maskaxda dadkeena lagu shubo  qorshe cusub  oo ay  wataan wadamadii loo xilsaaray baabi’nta Soomaaliya,hadana lagu aaminay soo diyaarinta dastuurkan qabyo qoraalka ah, waxeyna ku soo xariiqeen nidaamka Federaalka ah in laga hirgaliyo Soomaaliya,si uu dalka uga curto “KACAANKII MURAN DHULEEDKA & IS HEYB SOOCA”iskuna qabqabsadaan madaxweynayaal tira beel ahi,iyadoo ujeedadu tahay in aan marnaba la arag cudud mideysan oo Soomaaliyeed.

-Xikmad baa oraneysa “if you never learn from your mistakes, you tend to repeat it” hadii aadan qaladaadkaaga hore wax kabaran, qofkii ku soo celiyaad tahay” hada ,weli  waxaad moodaa in aynaan wax ka soo baran wixii la soo maray laguna sii socdo qalad kale oo ka mug iyo miisaan badan qaladaadkii na soo daashaday,.kaasoo ah hanaanka Federaalka ah oo  maanta si indha la’aan ah ugu sii faafaya dalka,malaha waxaaba habooneyd hadiiba laga maarmi waayay ama lagu soo qasbay Madaxdeena  laguna soo qoray Dastuurka, in marka hore dadka loo macneeyo oo la baro dabadeedna lakala dooransiiyo nooca Federaal ee ay qaadanayaan,balse hada waxa ay u saansaan egtahay in loo fahmay Qabiil kastoow  xaafadaada oodo, Gobol,Dagmo iyo Tuulo sidaad rabtana u dhaqan  waana taas mida aan ka cabsi qabo.

-Tan kale bilowgii  horeba Goboladii  u sii diyaargaroobay qaadashada federaalka ma aha  fariimaha ka soo baxaya kuwa u wanaagsan dhagaha Soomaalida kale sida, 1:- dadka aan u dhalan deegaanadaan waa in ay isaga baxaan waqti cayiman, 2:-Waa in ay isi soo diiwaan galiyaan dadka aan ku abtirsan beelaha daga deegaankan,3:- waxa amni darada nagu haya waa dadka ka soo jeeda deegaanada kale ee nagu dhex nool ee  hala tarxiilo,4:- Kheyraadka Goboladeena Annagaa iska leh cid nala wadaageysana majirto,5:- In dalal shisheeye uu Maamul weliba heshiisyo ka madax banaan dowlada dhexe uu la soogalo, 6- Waa in dalkeena Sidaa iyo sidaa…..iyo tilaabooyin kaloo dhamaantood ifinaya kala sooc iyo kala lahaansho, Amaba sida hadaba dhacday uu abuurmo muran dhuleed iyo  is qabqabsi maamul  oo aakhirka sabab u noqda in albaabo badan oo hada furan lakala ooto, dibna loo maquurto dagaalkii xuduudaha & Maamulada oo ah malaha  kuwa ka mid ah dagaalada weli Inoo harsan.

-Ugu dambeyntii, lama dafiri karo iney jiraan dad badan oo ay weli Soomaalinimadu ku dambeyso xanuun weyna uu ku hayo Nodaamkan FEDERAALKA ah hase yeeshee aan awoodin iney ka horyimaadaan nidaam Siyaasadeedkan la sheego iney ku soo wada heshiiyeen Siyaasiyiin danleey ah & danleeyda kele ee beesha Caalamka iyagoo ku marin habaabinaya bulshada in marka hore la doonayo maadaama Soomaalidu ay iswada dishay  in deegaan waliba uu gaarkiis isku soo nabadeeyo dabadeedna la isugu yimado talada Dalka, balse ay xaqiiqda Federaalka dalkeena ku hoos qarsooni ay tahay mid si weyn uga duwan sida la moodayo,

Waana hubantii hadii sida hadaba socota ee ah Dal gaar ah baan nahay, Xiriirkaan u jarnay Dowlada dhexe, Reer Hebel haka baxaan deegaanadeena iyo ficilada kale ee dadka Soomaaliyeed ee walaalaha ah sii kala fogeynaya ay sii socdaan bulshaduna ka aamusnaato ama ay sidaan u kala taageeraan in qof kasta oo waxgarta ay u muuqan karto oraahda ah “SOOMAALIDU ISKUMA SOO SOCOTO EE WEY KALA SOCOTAA.!!!”



           DH A M A A D ///

A/dukadir M.Farah Dulyar

Senior  Somali Journalist 

Dulyar23@Gmail.com

Mugadisho/Somalia

Ad Banner 728 x 90
Abdulkadir Dulyar Abdulkadir Farah Dulyar waa aasaasaha dulyarnews.com. sidoo kale wuxuu doorweyn ka qaataa curinta iyo soo diyaarinta qoraalo badan oo isugu jira maqaalo, sheekooyin iyo warbixino ku saabsam dhamaan umada Soomaaliyeed meel walbey dunida ka joogaan.

LEAVE YOUR COMMENT

Your email address will not be published. Required fields are marked *