1. Home
  2. SHEEKO
  3. SHEEKO:- ARDEY & CASEEYE.
SHEEKO:- ARDEY & CASEEYE.

SHEEKO:- ARDEY & CASEEYE.

0
0

SHEEKO: ARDEY & CASEEYE.!!

 Isagoo gacanta bidix ku sita gasac ay ugu jiraan agabkiisa shaqada “luujito, burush, iwm”, midigtana ku wata gaari caruureed ka sameysan ul loo qoray hab farsamo leh iyo taayiro ka sameysan kab dacas ah oo si farshaxameysan loo jaray ayuu iigu yimid meel aan shaah ka cabayay. 

Wuxuu igu yiri ” kabaha ma kuu caseeyaa? Haa, kaalay si fiican iigu caseey” Markuu arkay kabaheyga oo dun ka sameysan una baahan dhaqitaan ayuu isagoo ka xun igu yiri “ma heysto shaambo ee hoo kabahaaga! Abti waxba shaambo ha isku hawline sidooda iigu tirtir” .

Axmed Sahal Cabdullaahi oo ah nin dhalinyaro Soomaaliyeed oo Muqdisho jooga wiilkan yarna la kulmay ayaa waxuu yiri hawshii markuu ii dhameeyay buu ii keenay kabaheygii oo kuwo cusub u eg, 

Waxaan weydiiyay magaciisa iyo da’diisa wuxuu ii sheegay magaciisa oo aanan rabin inaan halkan ku xuso rabitaan ehelkiisa dartood, wuxuuna ii raacshay in uu lix sano jir yahay, waxaan weydiiyay lambarka aan lacagtiisa ugu diro, wuxuu ii sheegay inuusan lambar wadan ee aan lacagta ugu diro lambarka hooyadiis wuuna ii yeeriyay, sawirkaan ayaan ka qaaday isagoo isha laraacaya Caruur iskooley ah oo laamiga goyneysay, markuu iga dhaqaaqay ayaan arkay isagoo caga cad wax kabo ahna aan wadan.

Intaan u yeeray baan weydiiyay “Abti aaway kabahaagii qashinku in ay cagaha kaa dhaawacaan miyaadan ka baqaneyn?” Cod naxuus ah ayuu igu yiri “kabo maheysto Abti, sababtoo ah lacag aan ku gataba ma heysto” waxaan ku dhahay inta dukaamadaan noo dhow tagtid kabo kula eg ka soo fiirso “haye inta yiri buu isagoo faraxsan iga dhaqaaqay, cabaar kadib buu iisoo laabtay wuxuuna iisheegay inuu soo helay, markaan meeshii tagnay ayaa waxaa noo yimid mid saaxiibkiis ah oo isagana kabo la’ balse ka da’ weyn shan sano oo kale qiyaasteyda. labadoodii  kabo la eg bay meesha ka heleen, waxay se maskaxdeydu ka hoyan weysay qoyskii uu lix jir u soo shaqo tagay xaalkooda.

Waxaan wacay lambarkii aan lacagta ku diray, durba hooyadii baa iga qabatay, waxaan weydiiyay wax barashada wiilkeeda iyo baahida ku kaliftay inuu caruur lix jir ah reerka u xamaalo, waxay iisheegtay in reerku uusan gaarin heer ay wax barsho ka bixiyaan oo noloshii lagdan kula jiraan, balse ay jecleysaneyso inay wax u baartaan caruurteeda sida kuwa la filka ah, waxaan weydiiyay inaan arinkooda u bandhigi karo bulshada Soomaaliyeed ee kheyrka jecel, wayna soo dhoweysay arinkaas

Haddaba walaalayaal Dar ilaahey qof kasta inta uu u awoodo ha ku caawiyo wiilkaas yar oo uu ka kaabi karo mustaqbalkiisa, wax barashadiisa iyo tan qoyskiisaba wax ha ugu taro, fadlan lambarka Hooyo Khadiijo qofkii rabo in uu wax ugu diro waa kan. 

EVC plus 619385899 dadka dibada joogana waxa ay ku diri karaan 252- 619385899 Hooyo Khadjiijo.

Fadlan walaal adigoo mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.

Ad Banner 728 x 90
Abdulkadir Dulyar Abdulkadir Farah Dulyar waa aasaasaha dulyarnews.com. sidoo kale wuxuu doorweyn ka qaataa curinta iyo soo diyaarinta qoraalo badan oo isugu jira maqaalo, sheekooyin iyo warbixino ku saabsam dhamaan umada Soomaaliyeed meel walbey dunida ka joogaan.

LEAVE YOUR COMMENT

Your email address will not be published. Required fields are marked *