1. Home
  2. FAALLO
  3. SHEEKADA BULSHADA KU CUSUB SIDEE LOO XALIYAA
SHEEKADA BULSHADA KU CUSUB SIDEE LOO XALIYAA

SHEEKADA BULSHADA KU CUSUB SIDEE LOO XALIYAA

0
0

SHEEKADA BULSHADA KU CUSUB SIDEE LOO XALIYAA.!!

Markay timaado Sheeko Bulshada ka yaabisa oo ku cusub, waxaa waajiba in Buugaagta Taariikhda Dib loo eego iyo Noocyadii loo xaliyay, waxaynu soo Qaadan Doonaa Qisadii Saving Private Ryan, Qisadan waxaa laga Qoray Buugaag fara Badan, kuwaas oo uu ugu Caansanaa Buugga “Saving Private Ryan,” kaas oo laga matalay Filimka Caanka Noqday ee uu matalo Actor ka wayn Tom Hanks,  looguna Magac Daray Buugaa Qisadiisa Laga Matalay ee Saving Private Ryan.

Waxaa kale oo Markii Qisadani Dhacday Dalka Maraykanka Laga Hirgaliyey Xeerka Sole Survivor Policy ama DoD Directive 1315.15 “Special Separation Policies for Survivorship”

Hadii aanad daawan Saving Private Ryan waa filim Dagaal ah, Waliba noocii aynu u Naqaanay Dab iyo holaca , waxaa laga Matalay Dagaalkii Labaad ee Aduunka Gaar ahaan Dagaalkii Caanka ahaa ee Qabsashadii Normandy (Invasion of Normandy) oo Dhacay 6 June 1944, Waxaa kale oo laga Qoray Buugaag farabadan,

Filimkan Dagaalada ku jira marka laga yimaado waxaa ku dhex jirta Qiso Cajiiba oo kaa Qiiraysiinaysa, Qisadani waa Qiso Dhab u Dhacday (True Story).

Qisadani waxay ku Saabsan tahay Xiligii Dagaalkii Labaad ee Aduunka, Hooyo Afar Inan Dhashay ayaa afarteedii inanba waxay Qoraysaa Ciidanka waxaanay u Ogolaanaysaa Inay ka Qayb Galaan Dagaalkii labaad ee Aduunka, Sida aynu Maqalnay In badan oo inaga mid ahi Dagaalka labaad wuxuu ahaa mid lagu Hoobtay oo Dhimashada dhinacyadu ay Gaadhay meel aan la malaysan karin 70–85 million oo ahaa 3% Dadkii Dunida xiligaa ku Noolaa.

Hadaba Hooyadii afarta inan ee kaliya Lahayd ee Dhamaantoodba u Dirtay Dagaalka ayaa waxaa Dagaalkii ku Dhimanaya Sadex kamida, kii Afraadna oo Magaciisu ahaa James Francis Ryan, wuxuu la socdaa Guuto ku Jirta Halka ugu xun Dagaalka oo ay ku Hareeraysan yihiin Ciidamada Jarmalku.

Arinku Markuu Halkaa Marayo ayaa waxaa ku Baraarugaya Saxaafada oo wax ka Qoraysa, Bulshada Maraykan oo Dhan ayaa arinkii Dhagta u taagaya. Wasaaradii Gaashaan Dhiga ee Maraykanka ayaa ay talo ku cadaanaysaa, Waayo HADII UU INAN AFRAAD EE RYAN DHINTO HOOYO DAMBE OO MARAYKAN AHI INANKEEDA UMA DIRI DOONTO DAGAALKA, HOOYADII UU INANKEEDU KU JIRAYNA WAXAY KU DADAALAYSAA SIDAY UGA SOO SAARI LAHAYD, Arinkaasi haduu dhacona Maraykanka iyo xulufadiisu way ku jabayaan Dagaalka waayo Maraykanku wuxuu Dagaalka ka yahay Dalka ugu awooda Badan uguna saanada Casrisan, Madaxda Wasaarada Gaashaan-Dhiguna in Dhibtaasi Dhacdo Sinaba uma Ogolaanayaan.

Arinkaa waxaa Daraasad ku sameeyay Madaxii Arimaha Dagaalada Maraykanka  (U.S. War Department), General George Marshall, Kadibna Waxaa uu Qaadanayaa Go’aan Adag waxaanu Ryan u Dirayaa Battalion Ciidamada Kamaandowsta ah oo Magacoodu ahaa (2nd Ranger Battalion), waxaana watay Captain John H. Miller, Battalion kaa oo waajibaadka ay u xilsaaran yihiin tahay in ay inankaa soo Badbaadiyaan Arinkooduna uu yahay Geeri Ama inay soo Badbaadiyaan inankaa Ryan “Geeri ama Guusha Nololeed”, waayo waxaa kasoo sokeeya kumanaan Ciidamadii Jarmalka ah oo si adag u Hubaysan, Ciidamadii waxay Dagaal Qadhaadh la Galayaan Dufaacii Ciidamadii Jarmalka, Dagaalkaas oo Bilaabmaya Subaxdii hore ee 6 June ee sanadkii 1944,, iyaga oo laga rabo inay ka Gudbaan xeebta “Omaha Beach”, Dhimashaduna waxay Gaadhaysaa Meel aan la Malaysan karin.

Ugu Dambayntiina Captain Miller iyo Ciidankiisu waxay Jiidhayaan Dufaacyadii Garmalka waanay ku Guulaysanayaan Inay inankii Ryan nolol ku Gaadhaan Soona Badbaadiyaan.

Sidaasay tahay Guushaasi waxay Galaafanaysaa Sadex Meelood Laba Meelood Ciidankii 2nd Ranger Battalion ee uu watay Captain Miller, kuwaas oo ay tiradoodu Gaadhaysay kumanaan.

Hadaba Hadii aynu eegno James Francis Ryan, ma istaahilayay in waxaas oo Hawl ah la Galiyo Badbaadintiisa, waxaynu odhan karnaa Haa, waayo Hadii uu Dhiman lahaa waxaa Dirayska Tuuri lahaa kala badh Ciidamada Maraykanka ee ka Qayb Qaadanayay Dagaalkii Labaad oo tiradoodu ka Badnayd Malaayiin, Ciidan cusub oo la Qorana Hadalkooda Daa, waxaa ka Dhici lahayd Allaw yaanan Goblamin.

Maanta dalkeena waxaa ku badan sheekooyinka cusub ee aaney bulshadeenu horey u aqoon, kuwaas oo abuura Muran iyo khilaafaad joogta ah, mana jiro marjac ama taariikh qoran oo aynu ula laabano, sidaas daraadeed yooyootan iyo fara indho iska gelin ayaan aakhirka waxeena ku dhameysanaa midka kalena ku sugnaa, ilaa qiyaamahana sidaas unbeynu dabada isu wada heysan doonaa oo waa maalinba waa sheeko cusub iyo muran cusub.

Garyaqaan Ahmed S. Mirre.

Maxaa yaab isdabayaal.!!

 

Ad Banner 728 x 90
Abdulkadir Dulyar Abdulkadir Farah Dulyar waa aasaasaha dulyarnews.com. sidoo kale wuxuu doorweyn ka qaataa curinta iyo soo diyaarinta qoraalo badan oo isugu jira maqaalo, sheekooyin iyo warbixino ku saabsam dhamaan umada Soomaaliyeed meel walbey dunida ka joogaan.

LEAVE YOUR COMMENT

Your email address will not be published. Required fields are marked *