1. Home
  2. BULSHADA
  3. SHEEKO: JACEYL AAN LA AAMUSNAA 4 SANO
SHEEKO: JACEYL AAN LA AAMUSNAA 4 SANO

SHEEKO: JACEYL AAN LA AAMUSNAA 4 SANO

0
0

 SHEEKO:- JACEYL AAN LA AAMUSNAA 4 SANO.

Waxey aheyd ardey nimadeydii,waxaan ahaa glass ka koowaad ee dugsiga sare ee Baarbe, waxaan isku fasal aheyn dhowr gabdhood oo dedaal badan xaga waxbarashada, marka la gaaro bareega iyagu dibadeey uga baxaan glass ka oo waxey aadaan maqaayad yar oo ku dhex tiilay Schoolka oo lagu iibiyo Sheetaro, Anaguna waxaan kab ku ciyaarnaa rogooro rigooro ah miisaska iyo kuraasta glasska dhexdooda.

Waagaas Gabdhaha iyo Wiilashu waxey ahaayeen isku lebis “Suweel iyo Shaar “ waxaan ku kala duwaneyn oo keliya gambada madaxa u saaran, lama kala soocneyn oo waa leysla fadhiisan jirey,misna naguma jirin Wiilasheena qof ka mid ah oo maalin lagu xantay in  heblaayo glass ka nala dhigata ay wax ka dhexeeyaan, waxeyna wada ahaayeen dhamaantood walaalaheen oo kale, aadna waan u  ixtiraami jirney, mararka qaar waxaaba dhici jirtay inaan dartood dagaal u galno marka mid ka mid ay dulmiyaan dhalinyarada kale ee Schoolka nala dhigata, waxaana isla dhameynay gabdhahaas ilaa Foom 4, 

Hadaba waxaa jirtey inaan sanadkii koowaadba aan Anigu Jaceyl caato ah u qaaday gabar dhigata glass ka nagu dhegan oo la saaxiib ah gabadh aan isku glass nahay, gabdhaasi maalin kasta marka la gaaro bareega  iyo marka xiisaduhu dhamaadaan ee la baxayo waxey u timaadaa gabadha aan isku glass ka nahay, jaceylkeyguna waa mid ka beernay aragtideeda, waayoo waxey aheyd gabar ilaaheey qurux gaar ah oo nooca aan Anigu ugu jeclahay dumarka uu ugu deeqay, sidaas daraadeed waxaan jeclaa inaan maalin walba arko marka ay saaxiibteed u imaaneyso, maalinta aan waayo waa ii aheyd maalin baas oo xaalkeygu ma degana, xitaa ma awoodo gabadhan aan isku glass ka nahay geesinimo aan ku weydiiyo waxa maanta ku dhacay saaxiibteed, ee waxaan welwelkeyga ku gaaraa ilaa maalinta xigta aan ka arkayo, 

Anigu ilbax kuma aheyn jaceylka,iyaduna iimaba ogeyn inaan jeclahay, markii aan u soo wada gudubnay Foom 2 , ayaa waxaa dhacday inaan maalin inta naf isgeliyey aan kalmado kaftan ah ku tuuray, hase yeeshee jawaabtii ay i siisay iyo dhoola cadeyn teedii ayaan mar labaad awoodi waayey inaan hadalka la sii wado, maalintaasna galinkii dambe oo dhan casharadii la qaatey Anigu waxba kalama socon ee glass ka waan iska dhex fadhiyey waxaana ku soo celceshanayey jawaabtii ay  siiyey iyo qosolkeedii yaraa, kaas oo igu sii beeray dareen kale oo iga dahsoonaa, mararka qaar habeenkii ayaan isku soo dhiirigeliyaa inaan biri la hadlo bal si aan isugu soo dhawaano, misna maalintii markaan arko baraf baan noqdaa oo markaan fursad u helo waxaan kala hadlaa casharada Schoolka iyo wax aan loo joogin, maadaama goobta dad kale nala joogaan. 

Waxaan sidaa ahaadaba waxaa la gaaray sanadkii 4aad oo ah sanadkii ugu dambeeyay Schoolka, labadayaduba waxaan noqonay kurayo si fiican loo korshay oo kale, waxaana la soo baxnay dhaldhalaal indho qabad leh, hase yeeshee midkeen waxaa heysta ayaandaro weyn oo ah Jaceyl keliyeystay naftiisa, waxaan bilaabay inaan iyada iyo saaxiibteed maalin kasta marka Schoolka laga baxayo aan ku soo lug darsado, labada gabdhood waxaa gurigoodu sokeeyaa  mida aan isku glasska nahay,tan aan jeclaheyna waxoogas ayey ka durugsan tahay,oo marka ay gurigooda nooga leexato waxaa isku soo harna Aniga iyo Inanta aan jeclahay,Alla markaas cabsi weynaa , waayoo waxaad moodaa in waxkasta oo kaftan iyo qosol ahaa ee 3 deena noo soo socday iney la tagtay gabdhii naga leexatay, oo waxaan soo baraarugaa marka la gaaro saaxiibteey gurigooda oo ay dhegaheygu maqlaan,NABADGELYO WALAAL, markaa ayaan canaan iyo hiiftan kula dhaqaaqaa nafteyda diqonta ah ee awoodi weysay iney dhibkeeda sheegato.waxaana maalmaha qaar marka aan gurigeena tago  Anigoo aan iska bixin dharkii Schoolka isku tuuri jirey sariirta xanaaq daraadii markaas ayaa la moodi jirey inaan xanuunsanahay.

War yaan idinku daaline gabdhii Anigoo sidii u jecel ayaa Schoolkii naloo xirey, reerkoodiina ay ka guureen meeshii aan ku ogaa, markaas ayaan gabadhii ay saaxiibada ahaayeen Anigana aan isku glasska aheyn maalin uga sheekeeyay xaaladdii aan 4ta sano ku sugnaa,ilaa ay indhaheeda ilmo ka soo daadato oo ay ugu canaanato maxaad iigu sheegi weyday Anigaa kaa gaarsiin lahaa oo weliba kula garab geli lahaaye. ……Waa goorma waa goor ay xeero iyo fandhaal kala dhaceen…………..toloow hada dib ma u heli doonaa……oo ma nooshahay horta?……Yeelkeede iyadu ma i xasuusataa…..MOOYI 

WQ/- Abdulkadir Dulyar 

Maxaa yaab isdabayaal.!!





Ad Banner 728 x 90
Abdulkadir Dulyar Abdulkadir Farah Dulyar waa aasaasaha dulyarnews.com. sidoo kale wuxuu doorweyn ka qaataa curinta iyo soo diyaarinta qoraalo badan oo isugu jira maqaalo, sheekooyin iyo warbixino ku saabsam dhamaan umada Soomaaliyeed meel walbey dunida ka joogaan.

LEAVE YOUR COMMENT

Your email address will not be published. Required fields are marked *