1. Home
  2. FAALLO
  3. PART THREE:- SOCDALKEYGI BALADWEYNE & XABSIGII AAN KALA KULMAY
PART THREE:- SOCDALKEYGI BALADWEYNE & XABSIGII AAN KALA KULMAY

PART THREE:- SOCDALKEYGI BALADWEYNE & XABSIGII AAN KALA KULMAY

0
0

 •SOCDAALKEYGI BALADWEYNE & XABSIGII AAN KALA KULMAY.!!! 

-PART THREE:-

• Sidee naloo soo daayay  maxaase dhacay?

Subaxaas Aniga waxaa leygu soo daayey shuruud la ii soo faray bahdeydii Saxaafadda oo dedaal badan ku bixiyey sidii naloo siideyn lahaa, markeey ii yimaadeena waxey igu yiraahdeen,Sxb Wasiir Muqtaar iyo MD/K/Xigeen Dabageed iyo saraakiishii kaleba waxey soojeediyeen Dulyar inuusan Saxaafadda lahadlin ee maxaa talo ah, mar waxaan damcay inaan fariintaa iska diido oo aan iska sii xirnaado, marna waxaan qiimeeyay bahdeyda shuruudaas ii soo qaaday, dood yar kadibna waxaan ku iri,Sxbayaal horta hadii aanan halkaan ku hadlin waxaan ku hadli doonaa Muqdisho, ee taa iga gaarsiiya madaxda shuruud dan idiin soo dhiibtay waana idinka aqbalay inaanan Saxaafadda halkaan kula hadlin.

Dib bey ugu laabteen Madaxdii,waxeyna markale nagu soo laabteen iyagoo u idman iney xabsiga naga saaraan, hadal beyse noo sheegeen ahaa in ay markale dood adag ka galeen siideynta Sxbkeey Angola oo uu Wasiir Muqtaar si gooniya ugu dhegay, balse ay ku soo guuleysteen in aan raga lakala reebin oo aan mar qudha xabsiga ka soo wada baxno., 

 

Abaaro 01-00 dii duhurnimo ayaa Aniga,Angola Hiran iyo Mohamed Osman Makaran oo isaga subixii la soo xirey isagoo Annaga noo doodaya, waxaana u soo baxnay cadceeda duhurnimo oo aynaan markii hore ka war heyn kulkeeda, maxaabiistii aan daqiiqado ka hor soo macasalaameynay xalayna aan wada qaadanay waqtiga fiican waxey naga daawanayaan shabaqa alabaabka, dib baan u soo eegay Anigoo u gacan haatinaya cod dheerna ku leh , “SAAXIIBAYAAL NASIIB WACAN” iyaguna iney noo gacan haatinayeen ayaa iigu arag dambeysay.

Farxad iyo sawiro ayaan ku qaadanay albaabka xabsiga  bahdii Saxaafadda Hiiraan, waxaase la waayay Ninkii boorsadeyda dharka hayey oo naloo sheegay inuu dibada ku maqan yahay, hotelkii iyo qolkeenii aan xalay ka dibanay ayaan Aniga iyo Sxbkeey markale dib ula midownay, inkastoo aanan Anigu heysan dhar aan kuwii xabsiga isaga bedelo, saacado ka dib ayaase boorsadeydii leyga daba keenay, wixii markaa ka dambeeyay waxaa noo bilowday bog kale oo cusub waayoo waxaa na wada ogaatay magaalo aan awel na ogeyn, wuxuu xabsigu isku tolay magaceyga iyo muuqeyga oo awel ay dad badani  isku aqoon, wuxuu igu soo jeediyay dad kaloo markii hore ii  heystay Qurbajoog oo aan iga filaneyn inaan Baladweyne dhinac kala joogo. Waxaa hotelka nagu soo booqday dad badan oo ka xumaa xariga naloo geystay noogana tacsiyeeynayey wixii xalay dhacay, waxaan kaloo fiidnimadii la kulanay Taliyayaasha  Booliska  sida Col, Xuseen Dhicisow iyo Col, Xasan Kaafi oo aan ka wada hadalnay xarigii  iyo diruufaha ka jira xabsiga, si  fiicana aan isku soo baranay, Wixii markaa ka dambeeyay balaayo kaloo cirka nooga soo dhacda mooyee wax cabsiya kama aynaan qabin maamul iyo mucaarad dambe inaan xabsi u galno, 

Hase yeeshee, Aniga iyo Saaxiibkeey waxaan qorsheysanay inaan degdeg uga soo ambabaxno Baladweyne, waxaase maalintii xigtay nalaku wargeliyey in MW/K/Xigeenka Hirshabeelle Md Yusuf Dabadeed naloo balamiyey oo uu rabo inuu nala kulmo, sidaas ayaan ku baaqanay kulana kulanay MD Dabageed, layaab ayeyse igu noqotay markuu yiri xarigiina waxba kama ogeyn, codsigeenii ahaa inuu wareysi bixiyana uu ka cudur daartay isagoo soojeediyey maadaama uu beledka joogo Wasiirka Arimaha Gudaha  General Muqtaar in isaga wareysiga lala yeesho.

Sidoo kale waxaa maalintii xigtay ay fariini nooga timid dhanka Wasiir Muqtaar,taasoo aheyd inaan wada kulano, xili galab ah ayaan gurigiisa ugu tagnay, salan kadibna wuxuu isna noo sheegay in uusan xarigeena waxba kala socon oo uu maqlay mardambe inaan xiranahay, Maryooleey horey waxey u tiri, “Nin weyn afkaaga kala qaad aan ilkahaaga tiriyee lama yiraahdo,” Aniga oo og inuu lahaa xarigeena amarka ugu sareeya ayaan ku yiri,Wasiir shalay waxaan is aragnay Md Dabageed wuxuu nagu yiri waxba kama ogeyn xarigiina, Gudoomiye Cali Jeyte wuxuu yiri Anigu buundo dhisid baan ku maqnaa, Adiguna waxaad hada naleedahay waxba kamaan ogeyn xarigiinee  Tolloow ma Jinka Baladweyne ayaa na xiray waayaabe, intuu qoslay ayuu Wasiirku mowjada noo bedelay oo noo bilaabay sheekooyin waayo waayo ah iyo taariikho hore, mar baanse ka dhexgalay oo aan ku iri,Wasiir horta ma ogtahay in Wasaaradaadu ay markii hore aheyd Wasaaradda A/Gudaha iyo Amniga, hadese Amniga Wasaarad kale laga dhigay oo ay Adiga kuu soo hartay Arimaha Gudaha oo la macna dib u heshiisiin, intuu qoslay buu yiri Adeer Anigu nin ciidan ah baan ahay, kala aamus yar dabadeed mardambe ayuu na weydiiyay goormaad baxeysaan? Waxaan ku niri birito, laakin waxaan u raaciyey bixitaan keena ka hor inaan rabo in aan wareysi kala yeesho howlaha uu  halkaan u joogo, waa diyaar  subixii ayaan ku siinayaa,ayuu igu yiri, … Telefoon baa markaa u soo dhacay, Annaguna sheeko ayaan dhex maquuranay, lkn Wasiirkaa hadalkii naga booboo wuxuu nagu yiri, ee waxaad sameysaan Tikidhadiina iska celiya Anigaa birito baxaya  horey ayaan isku wada raaceynaaye,….waa Ok baan ugu jawaabnay. 

Subixii waxaan u soo qalab qaadanay wareysi iyo safar , wareysigii nooma suurtagalin oo waqtigii wuxuu nooga dhamaaday xerada LAMAGALAAY dhexdeeda siduu Wasiirku isaga daba wareegayay Annaguna aan u daba soconay, weyse noo muuqatay in uu wasiirku  wareysiga ka warwareegayo, balse safarkii baa noo hirgalay oo  waxaan Wasiirka isla soo gaarnay  Muqdisho. 

Horta Safarkeyagii Baladweyne oo aan wax badan ka soo bartay islamarkaana qaatay mudo 7 maalmood ah sidaa ayuu ku soo gebagaboobay,  marka akhyaareey Ninkaa dalxiiska u baxay oo laga jiidhay baan ahaye, sow xaq uma lihi inaan idin iraahdo Baladweyne waan tegay ………..balse Wabi ma arag,Jicib ma cunin,Qoone iska daa, buundada liiqliiqsto ma tegin, Beer Lula sheekadeeda ma maqal, bullo iyo ciyaar leyma tumin, balooleeyna haba sheegin, waxaanse soo bartay runtii dad qaaliya, meeshana waxaan ku soo arkay Madax maamul wada iyo shacab wax tabanaya,….Madax xoog adeegsaneysa , iyo shacab banaanbaxyo iyo rabshado wada…….Madax wax xirxireysa misna soo deyneysa iyo shacab gob ah oo dad jecel oo wax qanciya la’ . !!!!

* Muxuu yahay hadaba xalka Hiiraan,

* Maxaa u sabab ah dib u dhaca Gobolka,

* Waa maxay sheekooyinka igu cusub ee aan ugu tegay Baladweyne.

* Waa sidee nolosha dadka iyo adeegyada bulshadu.& Qofobo kaleba……LA SOCO QEYBTA AFARAAD EE UGU DAMBEYSA TAXANAHA SOCDAALKEYGI BALADWEYNE IYO XABSIGII AAN KALA KULMAY..!! Iinshallah. 

WQ/- Abdulkadir Dulyar 

-MAXAA YAAB ISDABAYAAL.!!



Ad Banner 728 x 90
Abdulkadir Dulyar Abdulkadir Farah Dulyar waa aasaasaha dulyarnews.com. sidoo kale wuxuu doorweyn ka qaataa curinta iyo soo diyaarinta qoraalo badan oo isugu jira maqaalo, sheekooyin iyo warbixino ku saabsam dhamaan umada Soomaaliyeed meel walbey dunida ka joogaan.

LEAVE YOUR COMMENT

Your email address will not be published. Required fields are marked *