1. Home
  2. FAALLO
  3. SAXAFIGA/WARIYAHA SEBENKAN KACAY
SAXAFIGA/WARIYAHA SEBENKAN KACAY

SAXAFIGA/WARIYAHA SEBENKAN KACAY

0
0

SAXAFIGA/WARIYAHA SAMANKAN KACAY.

Ayadoo lagu guda jiro todobaadka xuska maalinta warbaahinta Soomaalida ee 21 January 2016, Saxafi amase Wariye waxaa lagu tilmaama inuu lahaado feejinaan dheeri ah oo ay dadka kale aaney la qabin si isjirkiisa ama taxadirkiisa uu mar walbe ku wajahnaado horumarka iyo baraaraha ummadiisa. Waa inuu leeyaha dareen dheeri oo ka duwan dareenka qofka caadiga ah. Saxafiga/Wriyaha waa indhaha iyo dhagaha mujtamaca, sidaa darteedna waa inuu leeyahay dareen dheeriga ah ee lixaad marka laga soo tago shanta dareen ee la yaqaan ee aadanuhu Ilaah ku galladeysa ee aragga, maqalka, dhadhanka. taabashada iyo uriska. 

DAREENKA LIXAAD (the sixth sense)

Saxafiga/Wariyuha waa indhaha iyo dhagaha mujtamaca, sidaa daraedaeena waa inuu lahaado dareenka dheeriga ee lixaad marka laga soo tago shanta dareen ee la yaqaan ee aadanuhu Ilaah ku galladeysa ee aragga, maqalka, dhadhanka. taabashada iyo uriska. 

Ayadoo inta aan kor ku sheegay uu wariyaha ama saxafigu ay leeyahiin ayaa hadana waxaa laga raba inay labadaba maskax ahaan lahaan karaan awood dheeri ah oo ay ku dareem karaan in ka badan qofka caadiga waxa uu dareemo. Dareenka noocan waa dareenka lixaad oo Soomaalidu sida badan u taqaan “GARAB DAAR”. Haddii si kale loo yira waxaa afafka qalaad loo yaqaan “the sixth sense” amase “il sesto senso”..

Saxafiga xaala kasta uu ku jiro fekerkiisu wuxuu ku jeeda maxaa mutmaca ka xun maxaase u fiican. Maxaa qallocan maxaa toosan. Dhaqanka noocaas ah waxay iskala mid yihiin dadka suugaanta Ilaah hibada u siiyay. Labada hayb dadka way la joogaan oo ay la fadhiyaan laakinse dareenkooda wuxuu gaaf-wareegay meel sare sida ay u taal ummadda dalka ku nool oo ay iyagana ka mid yihiin. Heesahooda iyo qoraalkooda waxay ku qotomiyaan sidii dadkooda iyo dalkooda nolol fiican uu gaari lahaa ayagoo ilaashanaya dalka kana diifacaya, haddii loo baahdo, cadaawaha soo hunguriyeeya isla markaana door weyn ka qaadanaya horumarinta dalka iyo dadka. Waxay shacabka u tilmaamaan dadka ku haboon hoggaaminta dalka oo istaahila in jagada dalka ugu sarreysa loo doorto gaar ahaan weliba shaqsiyaadka ugu hufan uguna kartida badan uguna wadanisan ee dalka jooga ayagoo aan u fiirineynin xag qabiil iyo xag kale oo dadku isku faquuqaan.   

Inta qofka uu hurdo marka laga reebo, aadanuhu wuxuu ku jiro feker gaar ahaan isagoo ka fekeraya maareynta noloshiisa shaqsiga iyo sidii loo dabooli lahaa baahida guud ahaan ee ka jirta mujtamaca uu ku dhex nool yahay gaar ahaan iyo dalka guud ahaan. 

Tiisa gaarka marka laga soo taago, Wariyaha waxaa laga raba inuu ka fekero sidii hore loogu dhigi lahaa nolosha ummadda heerka ay joogto ee dhanka siyaasadda, dhaqaalaha, bulshada iyo difaaca iyo guud ahaan samo-ku-nolosha ummada isla markaane laga ilaalin inuu nusqaan ku yimaado.

Dadka ku jira mehnadda warbaahinta waa inay soo bandhigaan oo ay qaawiyaan dadka maamulka ku jira ee ku kaca lunsashada hantida dadweynaha, musuqa iyo laaluushka, qarabokiilka, nintooxsiga, goboleysiga, qiyaannada wadan, diktatooriyada iyo wixii la mid ah. Sidoo kale waa inay soo bandhigaan dadka ku caan baxay wadaniyadda, kartida iyo hufnaanta ayagoo war tebinta ay ku saleynaya anshaxa ugu sareeya ee warbaahinta.

Saxafigu waa inuu mujtamaca baro aasaaska maamul wanaaga (Good Governance) iyo muwaadinku waajibka saaran iyo xaqa uu  ku leeyahay dalkiisa iyo dadkiisa si muwaadinku u guto doorka uu ku leeyahay mujtamaca. Shacabku waa inay ku mudaaharaadan xukuumada haddii ay u muuqato in hoggaanka dalka uu ku socdo meel qatar gelineysa qarannimada iyo madaxbanaanida dalka iyo dadka.

Waa inuu la socda dhamaan arrimaha taabanaya nolosha halka uu ku nool yahay iyo dalka guud ahaan. Habka uu wax u tebinayo waa inuu yahay mid dabiici ah ee uusana ahayn iska yeelyeel wariye kale oo hore u caan baxay iska yeelayeelo. Waa inuu ka turjumo halka uu marayo dareenka shacabka guud ahaan.

Wariyuhu waa inuu leeyahay dhaqanka wax aqrinta si uu u kororsado aqoonta guud si agabka ay nashirayaan uu yahay mid tayo ahaan aad u sareeya. Waa inuu wariyuhu aqriyo kutubada lagu faafiyo waxyaaha qiyaaliga ah iyo kuwo xaqiiqda ku dhisan intaba iyo manshuuraadka kale ee leh wargeysyada, majalaadka iwm si uu uga helo macluumaad dheeri ah oo wax tar leh iyo inuu ka barto habka (style) wax loo qoro. Sidaa si la’eg wariyuhu waai nuu dhagaysto idaacadaha caalamka kuwooda ugu caansan si uu uga barto habka casriga ah ee war-tebinta.  

Dad waxaa jiri kara qaba in soo-qaadista arrimaha aan kor ku soo tilmaamay qatarta ugu muuqan karto inay ku mudan karaan dhibaato gaari karta ilaa naftooda ay ku waayaan. Waa run laakinse waxaan weydiinaya dadka fekerkaa qaba wariyaha hadda cid  badbaadiso ma hela, dhaqaale ku filan ma hela, garab iyo gaashaan ma heysta. Waa maya. Waa la dila. Wariyaha mar walba waa qof u jooga dhib iyo dil gaar ahaan kuwa aan la hadlaayo ee Soomaalida. Kuwii tirada badnaa ee hawshan lagu dilay Ilaah ha u naxariisto. Ilaa hadda ma maqal cid ka warqabta dadkii ay tageen.

Wariyow iska dhimo marba hadii aadan baxsaneyn. Laakinse soo tebi xaqa iyo runta. Codkaada iyo qallinkaada ugu hiili ummadda Soomaaliyeed ee dhibaatu ku habsatay muddada ka badan rubuc qarni. 

Iska ilaaba dadka ku shaqeeye fekerka hooseeye ee haraadiga ee qabiilka ku dhisan. 

Warsan

WQ/-Abdulkadir Wallaayo  

Ad Banner 728 x 90
Abdulkadir Dulyar Abdulkadir Farah Dulyar waa aasaasaha dulyarnews.com. sidoo kale wuxuu doorweyn ka qaataa curinta iyo soo diyaarinta qoraalo badan oo isugu jira maqaalo, sheekooyin iyo warbixino ku saabsam dhamaan umada Soomaaliyeed meel walbey dunida ka joogaan.

LEAVE YOUR COMMENT

Your email address will not be published. Required fields are marked *