1. Home
  2. MAQAAL
  3. WARBIXIN: QALIN IJAARAN
WARBIXIN: QALIN IJAARAN

WARBIXIN: QALIN IJAARAN

0
2

WARBIXIN:- QALIN IJAARAN.!!!

Horta waa sax oo waa la joogaa waqtigii naloo sheegi jirey in 4-tii sanaba mar uu dalku galayo doorashooyin, balse ma aha waqtigii ay shacabku wax dooran lahaayeen oo taa weli lama gaarin, lamana oga waqtiga la gaari doono, maadaama aynaan Soomaali ahaan keligeen u madax banaaneyn doorashooyin keena oo ay gacmo kale nala maamulaan, doorkaana doorashadeenu waa hoogto iyo halkeedii, waa xiligii laaluushka, boobka iyo musuq maasuqa, waana xiliyada ay xil doonada iyo kuraas raadiyayaashu aad u jecel yihiin in loo sameeyo muuqaalo iyo sawiro qurxoon, laguna sifeeyo iney yihiin kuwa Halyeeyo ah oo leh karti,Aqoon,iyo waxqabad , balse ay aad u neceb yihiin in dhaliilahooda la soo faag faago oo la soo bandhigo.

Sida aan la wada soconana Siyaasiyiinta wada ordeysa maadaama aaney waxqabad lagu dooran karo bulshada la hor imaan karin, waxey taa bedelkeeda iyagoo adeegsanaya dhaqaale kireystaan maalmahaan oo kale Warbaahinta iyo shaqsiyaadka ay u arkaan iney Social Media qalinkooda ugu hiilin karaan kana soo qori karaan qoraalo iyaga ka farxiya, waana waqtiyada ay ku waashaan Lebiska, xafladaha,dhexgalka bulshada, dhoola cadeynta, dhagax dhigga mashaariicyada, iyo booqashooyinka dadka taagta daran, aad ayeyna u jecel yihiin iney arkaan dad iyaga u caleema ruxaya, ama soo dhaweyn tooda darteed safaf dhaadheer ugu jira, si ay igu sawirtooda uga indho buuxsadaan. ,

Dhanka kale, maalmaha uu ololaha xildoonku socdo waa ayaamaha uu ruuxa xilka doonayaa noqdo qof uusan aheyn dabeecad ahaan,Aqoon ahaan, naxariis ahaan, karti iyo waxqabad ahaanba, oo waxaad moodaa iney aaminsan yihiin, “xilka ama kursiga been baa lagu soo xero geliyaa,runtana waa lagu dhaqaa,” Waayoo hadii ay xil doonayaashu qowlkooda ka rumeyn lahaayeen Adeer 20 kii sano ee la soo dhaafay ayey dadkeena iyo dalkeena ka muuqan laheyd.

Waa run waa waqtiyada ay xildoonayaashu u baahdaan Warbaahinta nooc kasta oo ay tahay iyo madbacadaha wax daabaca, si loogu sameeyo muuqaalo iyo amaan ka badbadis ah oo aaney muteysan iyo sawiro qurxoon oo lagu xardho erayo wan wanaagsan oo aaney midna ka run sheegi doonin, Sidaas daraadeed Anigu warbaahin aan la hadlo iima muuqatee, waxaan la hadlayaa shaqsiyaadka Social Media uga ololeeya xildoonayaasha nooceey doonaan ha ahaadaane waxaana kula talinayaa hal qodob oo keliya:-

– Saaxiibayaal ka fogaada idinkoo xildoone lacag idin siiyay amaanaya inaad xildoone kale ku xadgudubtaan ama aad wax u dhintaan sumcaddiisa, hana noqonina QALIN IJAARAN.!!!

Maxaa yaab isdabayaal.!!!

Ad Banner 728 x 90
Abdulkadir Dulyar Abdulkadir Farah Dulyar waa aasaasaha dulyarnews.com. sidoo kale wuxuu doorweyn ka qaataa curinta iyo soo diyaarinta qoraalo badan oo isugu jira maqaalo, sheekooyin iyo warbixino ku saabsam dhamaan umada Soomaaliyeed meel walbey dunida ka joogaan.

Comment(2)

  1. WAXAAD TAHAY ADIGA IYO YUSUF GARAD ROLE MODELKA AAN KU DAYDO MAR WALBO.
    MAHADSANID MUDANE

LEAVE YOUR COMMENT

Your email address will not be published. Required fields are marked *