1. Home
  2. FIKRAD
  3. ISKU MAQAN
ISKU MAQAN

ISKU MAQAN

0
0

Waa wax la hubo ah in qof kasta ama bini’aadamkuba ay jirkiisa ku jiraan Unugyo u diyaar ah difaaciisa, waa Unugyo u dhisan sida qaabka Ciidamada oo ay u dhammaystiran yihiin qalab kooda iyo hub kii ay kaga hortagi lahaayeen waxyaabaha jidhka soo weerara sida Virus-ka, ama Bacteria-da IWM. hadiise ay qofka Unugyada difaaca jirkiisu seexdaan ama ay shaqadooda gabaan waxaan shaki ku jirin iney qofkaas si fudud u soo weerarayaan cudurada waaweyn iyo kuwa yaryarba marka dambena uu u geeriyoonayo, sidaas daraadeed qofkaasi sax maaha in uu ku doodo muxuu cudur hebel ii soo weerarayaa isagoo ogsoon in Unugyadii difaaca jirkeygu ay baaba’een.!!

Tusaalahaas kooban kadib, horta Soomaalidu markii ay iyadu iska burburisay Unugyadii ka difaaci jiray cadowgeeda waaweyn & kuwa yaryarba ayey beylah unoqotay inay si fudud u soo haweystaan cadowgeeda iyo saaxiibkeeduba, sidaas daraadeed waa nasiibdaro in maanta dad badan oo Innaga naga mid ihi iney ku doodaan Soomaaliya waxaa faragelin ku haya dalal shisheeye oo ka hortaagan iney Dowlad hesho ama nabadi ka dhalato sida Dalalka deriska iyo kuwa Carbeed oo u adeegaya Mareykan & Reer Yurub.
waa run oo lama defiri karo arintaas weyna muuqataa, balse Adiguna mid ogow “dunida waa lakala baqaaye laguma kala xishoodo” weligeedna waa leys riixriixayay oo hadba ciddii ujabtaana ugu liidata.  

Sidaas daraadeed eedaha aan had iyo goor ujeedinayno dalalka shisheeye waa eeddo madax geed la dhac ah oo aaney jirin cid noogu naxariis saneysee aan horta taa badelkeeda anagu rumeysano Soomaali hadaan nahay in aan eeddaas oo dhan leenahay, islamarkaana aan anagu ka masuul nahay waxa dadkeena & dalkeena ku dhacaya , maadaama aan anagu horay isaga burburinay wax walba oo difaac ah oo aan heysanay welina aan anagu iska hortaagan nahay inaan dib u soo ceshano wixii naga difaaci lahaa cadowgeena iyo faragalinta shisheeye oo ay ugu horeyso Soomaalinimadu, halkii aan u kala tartami laheyn kala tag & kala qeybqeybsanaan.

Markaan intaas wada rumeysano ayaan wada raadin karnaa xalka mushkiladaha maanta dalkeena iyo dadkeena heysta, hadii kale inta ka horeysa waxaan ku jireynaa Waawareey Dhulkii baa nalaka qaatay, iyo Waawareey Baddii baa la boobayaa.

Marka xigtana hadaan leys daba qaban waxaa imaan doonta Waawareey dadkii baa la iibsanayaa ama inaan aragno Qabiilo dhan oo Soomaaliyeed oo iyaga dhulkoodiiba ku biiraya dalal kale, Ilaaheey nama tusee! Maxaa Yaab isdabayaal!

“WAXAAD MAANTA BI’SAAN, BIRI HA U SHALAAYINA”

 

Ad Banner 728 x 90
Abdulkadir Dulyar Abdulkadir Farah Dulyar waa aasaasaha dulyarnews.com. sidoo kale wuxuu doorweyn ka qaataa curinta iyo soo diyaarinta qoraalo badan oo isugu jira maqaalo, sheekooyin iyo warbixino ku saabsam dhamaan umada Soomaaliyeed meel walbey dunida ka joogaan.

LEAVE YOUR COMMENT

Your email address will not be published. Required fields are marked *