1. Home
  2. FAALLO
  3. FARI TOG DHEER BEY KULA XUSHAA
FARI TOG DHEER BEY KULA XUSHAA

FARI TOG DHEER BEY KULA XUSHAA

0
0
Saadaq Joon
Saadaq Joon — SNTV

Ex Taliyihii Ciidanka Booliska G/Banaadir Saadaq Joon tan iyo markii uu 12-kii April isaga oo wata ciidamo taabacsan kana soo horjeeda mudo kororsigii ay Baarlamaanku maalintaa u fadhiyeen iney Xukuumadda u sameeyaan, uu meel fagaare ah kaga dhawaaqay in aan la aqbali Karin mudo kororsi sharci daro ah, kana horyimid dowladii uu ka tirsanaa islamarkaana uu fadhiisin ka sameystay xaafadda Shiirkole, waxaa la oran karaa waxa uu faraj u furay Siyaasiyiin mucaarad ahaa oo mudo sanad ah sideey u hadlayeen oo u hadlayeen intey hadalkii ku daaleen mararka qaar u holanayey iney gacan qaad sameeyaan, ka dib markii ay waayeen cid ka hoos qaada tabashadooda iyo dareen koodaba, hortiisna cidiyaha ku dirirayey iskuna aruursaday dhismayaasha ku teedsan agagaarka garoonka Adan Cadde. Kuwaas oo markii uu isagu banaanka iskeenay iyaguna bilaabeen iney kuur kuuursadaan dibadana u soo baxaan iyagoo weliba ku luga fidsanaya xaafadaha Muqdisho qaarkood.

MD Farmaajo
MD. Farmaajo

MD Farmaajo, iyo madaxda kale ee ku hareereysan oo iyaguna in badan baaqyada iyo hadalada mucaaradka dhegaha ka fureysanayey, una arkayey siyaasiyiintan, kuwa doonaya iney ka habsaamiyaan hayaanka Siyaasadeed iyo hirarka qurxoon ee iyaga uun u muuqda ee ay higsanayaana waxaa ku baryey waa cusub oo siyaasadeed, kadib markii ay kubaddu kaga timid dhinac aaney ka fileyn in laga soo weerari doono, mar qudha ayeyna isbedeshay gebi ahaanba siyaasaddii ay ku socdeen iyo qorshayaashii u degsanaaba, waxaana abuurmay kala shaki iyo isku dhex yaac kooban, inkastoo markii dambe arinta aad loo xakameeyay.  

Waxaa sidoo kale isbadal ku yimid barihii bulshada oo mar kaliya isku rogay goob ay masalaha dhigteen taageerayaashii mucaaradka oo isugu jira kuwa damaaashaadaya iyo kuwa qabyaalad hurinaya, waxaana madasha laga waayey 48-dii saac ee ugu horeysay kooxihii muxaafidka ahaa, sida Xildhibaanadii, Wasiiradii iyo shaqsiyaadkii caanka ku ahaa ee looga bartay ka hadlida Siyaasadda Dowlada, marka laga reebo kooxo yar oo muxaafid ah oo qoraaladoodii u bedelay dhanka wacdiga, nabadda iyo in Qabyaaladda laga fogaado.

Lama oga muxaafidku markii leysla dhaafay intii ay garanayeen oo ay xaaladdu gaartay habar wacasho iyo ciid buurasho, iney isaga gaabsadeen ka hadalka siyaasadda iyo taageeradii Dowlada, iyo iney bisha barakeysan ee Ramadaan darteed, ay barahooda dadka ugu wacdinayaan kheyrka iyo Nabadda. balse waxaan shaki ku jirin in gadoodkii Taliye Saadaq looga faa’ideystay hab qabiil oo ay durbadiiba rag dan gaar ah lihi ku yaaceen aqalka uu degay, iyadoo loo muujinayo isgarab taag uu wehliyo bowdya qaawis iyo boola xuufto ujeedkeedu yahay in lagu damqiyo nabarada qabyaaladdii go’a lagu dedayey ee lagu soo dhisay dowladda ama Soomaalidu wax ku soo qeybsatay, dabadeedna inta la wiiqo awoodda Dowladnimada halkaas laga dhex raadiyo mansab iyo Siyaasad layiraahdo ANNA WAA I KAN IYO TOL BEELAYEEY, 2021-ka ah,.

Waase suurtagal in Saadaq Joon qudhiisu uu u fekerayey hab ka duwan habkaa haatan loo soo garab istaagay, oo ay isaga iyo saaxiibadiisba u qorsheysneyd iney howshoodu u dhacdo sida ay Ciidamadu u af-gembiyaan dowladaha rayiidka ah marka loo taag waayo madaxdooda ama ay Askartuba damaaciyaan talada dalka, balse ay wax walba isbadeleen ka dib markii ay Saraakiil kale oo ay Heshiis ku wada ahaayeen in marka uu isagu billaabo ay iyaguna isa soo muujin doonaan la sheegay iney subaxnimadii uga siibteen, taasoo la oran karo waa mida Saadaq ku xambaartay isna si uu u xeeladeysto inuu miciin biddo xaafadda Shiirkole.

Sikastaba ha ahaatee, MD Farmaajo iyo saaxiibadiisa siyaasadda waxaa laleeyahay hadii ay horey waxbadan isku adkeyn jireen hada waa ay ku qasban yihiin iney wax ka bedelaan jihadii ay markii hore u socdeen oo ay u soo leexdaan jihada saxda ah ee dabeysha Siyaasaddu u socoto, waana iney la yimaadaan biseyl iyo qaangaarnimo ka duwan tii hore si dalka doorasho loogu hogaamiyo, taas oo ah wadada keliya ee waqtigan furan laguna badbaadin karo dowladnimada iyo wadajirka umadda, Soomaaliduna waxey tiraahdaa

“ILEYN FARI TOG DHEER BEY KULA XUSHAA”

Tani waa aragtideyda gaarka ah.

Maxaa yaab isdabayaal!

 

Ad Banner 728 x 90
Abdulkadir Dulyar Abdulkadir Farah Dulyar waa aasaasaha dulyarnews.com. sidoo kale wuxuu doorweyn ka qaataa curinta iyo soo diyaarinta qoraalo badan oo isugu jira maqaalo, sheekooyin iyo warbixino ku saabsam dhamaan umada Soomaaliyeed meel walbey dunida ka joogaan.

LEAVE YOUR COMMENT

Your email address will not be published. Required fields are marked *