1. Home
  2. DALXIIS
  3. Safarkii Degmada Warsheekh

Safarkii Degmada Warsheekh

0
0

Warsheekh, waa degmo intaan caqliga yeeshayba aan maqli jiray, Warsheekh waxay u jirtaa Muqdisho in ka yar 65km ama 40 miles. Yaraanteydii iyo waagii dagaalda sokeeye ka horeysay nasiib uma yeelan in aan tago, sidoo kale 2020 Disembar maraan Muqdisho tagay oo ahayd markii iigu horeysay Xamar in mudo 30 sano ku dhowaad ah, waa ii suurta gali weysay inaan tago Warsheekh, nasiib wanaagse Sanadkii 2021 December maraan dib ugu laabtay Muqdisho, ayaa waxaa ii suurto gashay inaan soo booqdo Warsheekh oo waliba habeen aan soo seexdo. Markii aan aadney warsheekh waxaan ka baxnay Muqdisho ku dhowaad 1dii duhurnimo, Warsheekhna waxaan nimid 3dii oo wax yar la’, gabi ahaanba safarkeenu wuxuu qaatay ilaa 2 saac oo toban daqiiqo la, inkastoo Warsheekh eysan saas u fogeyn, hadan wadada loo marayaa waxay iska tahay bacaad, inta badanna garab socoto xeebta badda. 

Degmada Warsheekh waa dagmo qadiimi ah oo taariikh weyn leh, waa degmo yar oo aad iyo aad isaga dagan, xeebtana saaran, hadaa xaafada barri ahaan ugu fog joogto bada waxaa u lugeyneysaa in 5 daqiiqo ka yar. Waxyaabaha aan warshiikh uga soo helay waxaa ka mid ah, jawigeedoo aad u macaan, iyo dad inta badan soo dhoweyn iyo maamuus badan.  waxaana rejeynayaa inaan marlabaad ku laabto insha Allah.

Waxaan u mahad celinaayaa Ilaahey ka sokoow, saaxiibadey ii suurta galiyay inaan soo booqdo Degmada Warsheekh uu ugu horeeyo Wariyaha rug cadaaga ah ee Abdulkadir Dulyar, iyo Saaxiibkeey Abdisalan Angola. sidoo kale waxaa xusid gaara mudan Sheekh Bashir oo guregiisa nagu marti sooray. ugu dambeytiina saaxiibkeey Bashir Gelle oo Ohio ilaa Saylac ila qaadayay qalab culeys badan oo aan watay.

 

? WALIGAA DEGMADA WARSHEEKH MA TAGTAY?
Waligaa degmada Warsheekh ma tagtay, amase ma jeceshahay inaad soo booqato mustaqbalka.
RESULT
HAA1 votes ( 33% )
MAYA1 votes ( 33% )
WAAN JECLAHAY INAAN SOO BOOQDO1 votes ( 33% )

1Degmada Warsheekh

Xeebta Warsheekh
Photo by Socdaal

Sawirkan waxaan qaaday 6dii aroornima, dadka intooda badan wali waa wada hurdaan.

Ad Banner 728 x 90

LEAVE YOUR COMMENT

Your email address will not be published. Required fields are marked *