1. Home
  2. FAALLO
  3. DOORASHOOY XAAL QAADO!
DOORASHOOY XAAL QAADO!

DOORASHOOY XAAL QAADO!

0
0

MAXAAD KALA SOCOTAA MAGACYADA LOO KALA BIXIYAY QAABKII AY DOORASHOOYINKA BAARLAMAANKU UGA KALA DHACEEN 5ta M/GOBOLEED & G/BANAADIR.


Maadaama layiri doorashada halaga tixraaco heshiiskii 17kii September 2020ka ay Magaalada Muqdisho ku wada gaareen Hogaamiyayaasha madashii Qaranka, kaas oo loo arkayay in si toos ah awoodda doorashada loo hoos geeyay Madaxda Maamul Goboleedyada dalka, oo iyaguna wixii markaa ka dambeeyay u muuqday iney taladii doorashada ka fara marooqsadeen RW Rooble oo ahaa masuulka sida guud ugu xilsaarnaa daadihinta doorashada,
Hadaba, waxaan warbixintan ku eegi doonaa qaabka ay Madaxweyne Goboleedyadu u maamuleen doorashooyinkii yaalay deegaanada ay ka kala taliyaan.

 

  • JUBALAND:- WAA LEYSKU SHARFAY:

MD Axmed Madoobe, oo isagu bilaabay doorashada waxa uu kuraastii taalay Magaalada kismaayo inta badan ku sharfay saaxiibadiisii 4tii sano ee la soo dhaafay af iyo adinba ku difaacayay maamulkiisa, iyadoo la xasuusto khilaafkii ba’naa ee isaga kala dhexeeyay dowladdii MD Farmaajo.
Balse wuxuu maareyn waayay kuraastii taalay Magaalada Garbahaareey maadaama uusan keligii cid gaar ah ku sharfi karin , wuxuuna taa bedelkeeda muran dheer kadib isaga oo kaashsnaya qeyb ka mid ah Gudiga doorashada waxa uu wax ka yar 30 daqiiqo ku shaaciyay in Magaalada Ceel Waaq lagu doortay 16 kii xildhibaan ee laga sugayay Jubaland, waana doorashadii loogu magac daray DAF IYO MIRIQ,

Durbadiiba waxaa tilaabadaas ka horyimid qaar ka mid ah Gudiga doorashada FIET, Siyaasiyiinta iyo shacabka ku dhaqan Gedo iyo Garbahaareey oo iyaguna dhankooda uga dhawaaqay in doorasho ka dhacday Garbahaareey laguna soo doortay 16 kii xildhibaan ee deegaankaas ku harsanaa.
Markale ayaa Xaalkii wuxuu noqday mid isku cakiran, kadib markii 32 xildhibaan oo qeyb waliba ay gaar u sheeganeyso in ay iyadu Saxan tahay ay isugu tageen fadhiyadii ugu horeeyay ee Baarlamaanka, taas oo sababtay in maalmihii doorashadii Gudoonka Baarlamaanka labada dhinacba laga saaro teendhada halkaana ay ku waayaan fursaddii ay wax kaga dooran lahaayeen Gudoonka Baarlamaanka.

Sidoo kale iyadoo ay dadbadani rumeysnaayeen in Xildhibaanada Ceelwaaq iyo Garbahaareey ay labaduba seegi doonaan doorashada Madaxweynaha ee loo madlan yahay 15ka May inta arimahooda laga soo xalinayo, ayaa waxa uu Gudooomiyaha Baarlamaanka Md Sheekh Aadan Madoobe si lama filaan ah ugu dhawaaqay in Xildhibaanada lagu soo doortay CEELWAAQ ay ansax yihiin kana mid noqonayaan Baarlamaanka 11aad, lamana oga tilaabada xigi doonta mida uu qaaday Gudooomiye Adan Madoobe.

Balse waxaa jira su’aalo badan oo durba ka dhashay go’aanka Gudooomiyaha,waxeyna u badan tahay in dooda u dhexeysa CeelWaaq iyo Garbahaareey ay noqon doonto mid aan si sahal ah ku dhamaan oo saameyn xoogan ku dhex yeelan doonta gudaha Baarlamaanka.

Halkaas markeey taagan tahay, maareeyn la’aanta 16-kaan kursi ee Gedo oo sida muuqata la siyaasadeeyay, gacmo farabadanna in mudo ah lagu walaaqayay,  waxa ay wajigabax ku tahay MD Axmed Madoobe oo noqonaya madaxweyne goboleedka kaliya ee maareyn waayay qeyb ka mid ah Doorashooyinka deegaanadiisa.

 

  • K/GALBEED:- WAA LA SOO XULAY:

MD Laftagareen, waxa uu kuraastii Beydhabo iyo Baraawe taalay waxyar mooyee dhamaantood ka dhigay kuwa uu isagu si toos ah u soo xushay, islamarkaana uu intooda badan ku soo saartay xubno qaraabadiisa iyo saaxiibadiis ah si uu ugu gorgortamo, sida dhacday falcelintii ay xildhibaanadu ka sameeyeen markii K/Galbeed lagu qabsaday kuraas lagu soo doortay deegaanadooda, mana jirin hal kursi oo loo galay tartan maangal ah.

 

GALMUDUG:- WAA LAGU DANEYSTAY:

MD QoorQoor, inta badan kuraastii taalay Dhuusamareeb isaga ayaa ku daneystay, qaarkood waxa uu ugu hiiliyay saaxiibadiis N&N, qaarkoodna isaga ayaa xukunkiisa ku bedbaadsaday oo wuxuu siiyay xubno uu u arkayay in hadii ay wax waayaan ay isaga kursigiisa ku mashquuli doonaan, maadaama uu ogyahay in marka laga soo tago Alshabaab ay EhluSunna, mucaarad badan u dhakan yihiin, mana badna inta kursi ee farahiisa ka sibxatay oo ay heleen Siyaasiyiinta mucaaradka ah.
Waxaase jira in kuraastii taallay M/Gaalkacyo inay intooda badan noqdeen kuwo ELCLASICO ah oo taariikhda galay, waxaana arinkaas MD QoorQoor iyo gudiga doorashadaba ku qasbay sida la sheegay Ciidamada Galmudug ee ku sugan Gaalkacyo kuwaas oo soojeediyay in aan mudug cidna godob looga gelin. Inkastoo aan la inkiri karin saameynta uu RW Rooble ku lahaa doorashada Gaalkacyo iyo iney jiraan murashixiin ganafka lagu dhuftay.

 

  • HIRSHABEELLE:- WAA LA MAAREEYAY:

MD Guudlaawe, oo ay hortaalay labo daran mid dooro, sida in uu isagoo raaligelinaya saaxiibadiisa siyaasadeed uu ogolaado in doorashada la gacma gacmeysto iyo in uu badbaadsado mustaqbal kiisa dambe ee Siyaasaddeed, ayaa waxa si gaar ah isaga xilsaaray markii uu si hufan uga soo faraxashay inta badan kuraastii taalay M/Jowhar, in uu maareeyo kuraasta Baladweyne oo inbadan la filayay in la BOOBI doono,

Runtiina markii uu MD Guudlaawe tegay Baladweyne waxa uu gacan adag ku qabtay maareynta kuraastii taalay magaalada , waana tan keentay in ay goobta doorashada ka dhacaan kulamo ELCLASICO ah oo qaarkood lagu xusuusto in wareega Sadexaad leysla gaaray. Hase yeeshee marna meesha kama marneyn in kuraasta qaar xalin Siyaasadeed looga qaatay Hirshabeelle.

 

PUNTLAND:- WAA LA MAGACAABAY:

MD DANI, oo ahaa Murashax qarsoonaa, islamarkaana ahaa Ninka 3dii sano ee doorashadu soo jiitameysay hortaagnaa wax walba oo xal loo arkayay, islamarkaana heshiis kasta ku xirayay shuruudo, hadii aaney isaga dani ugu jirina ka hor imaanayay,

Waxa uu ugu dambeyn isagoo ka faa’ideysanaya awoodda madax Goboleedyada loo siiyay doorashada uu wareegto ku magacaabay dhamaan kuraastii labada Aqal ee taalay Garoowe iyo Boosaaso, isagoo ku soo safay Wasiiradii, W/K/Xigeenadii iyo Agaasimaayaashii Puntland, iyo koox yar oo saaxiibadiis ah, si uu meel ugu hubsado codadka ka imaanaya dhanka Puntland, mana jirin hal kursi oo loo galay tartan adag, waxaana lagu xasuustaa doorashada Puntland in 16 ka kursi ee taalay Boosaaso gebigoodba lagu doortay wax ka yar 2 saacadood.

 

  • GOBOLADA WAQOOYI:- WAA LA QEYBSADAY:

Kuraasta Gobolada Waqooyi oo dhamaantood lagu dooranayay Caasimadda Muqdisho, maadaama uu murankoodu soomaray waqti dheer, waxaa ugu dambeyn leysla qaatay in ceydhiinka loogu qeybsado qaab 3 geesood ah.

 

  • BANAADIRIGA:- WAA LA HABEYSTAY:

Sidoo kale, Kuraasta beelaha Banaadiriga oo iyagana doorashadoodu lagu qabtay Muqdisho, iyagu ma dhib badneyn ee waxaa loo habeystay si hoose, mana jirin labadaan doorasho ee Reer Waqooyiga & Banaadiriga hal kursi oo si sax ah lagu tartamay.

 

  • QIIMEYNTA SANADKAAN DOORASHADA XILDHIBAANADA EE 2022ka.

Doorashada Baarlamaanka 11aad ee Sanadkaan ka dhacday dalka, waxey xagga qiimeynta 3da doorasho ee lagu qabtay dalka gudihiisa kaga jirtaa kaalinta ugu hooseysa, hadii 2dii doorasho ee ka horeeyay lagu xaman jiray musuqmaasuq, doorashadaan waxaa loogu wanqalay magacyo badan sida BOOB , XULASHO, SOOCASHO, & DOOKHASHO,

Waxaase jirta Sanadkaan doorashada dhacday ee Baarlamaanka in kabaha lala dulmaray Odayaal badan oo mudo dheer ka fadhi bartay kursiga xildhibaanimo, sida Gudooomiye Muudeey, Prof Jawaari, Prof Dalxa, Prof Ibi, Cabdalla Ahmed,Xuseen Carab Ciise, Axmed Macalin Fiqi, Caasha C/lla iyo qaar kaloo badan, waxaana Baarlamaanka soo galay dhalinyaro ku cusub Siyaasadda, Saraakiil ciidan oo dhinacyo kala duwan ka yimid, iyo Suxufiyiin

Dhanka kale, doorashadani waa tii ugu khilaafka badneyd inta la xasuusto maadaama ay waqti dhaaftay, eedeedana inta badan waxaa iska leh Madaxweynaha xilka hayay oo ay masuuliyaddiisa aheyd inuu dalka ka qabto doorasho waqtigeeda ku dhacda, hase yeeshee taa bedelkeeda waxey mudada 3da sano ah oo ay soo jiitameysay doorashadu sababtay in Madaxweyne Farmaajo markii uu waqtigii ka dhamaaday uu mudo kororsi ku dhawaaqo, in dagaal hubeysan lagala hortago, in Madaxdii sare ee dalku xiriirka isku jaraan, in dastuurkii dalka lagu tunto, in jidadka lakala xirto, in dalku galo qalqal Amni, in Madaxtooyada dhexdeeda difaac leysku galo, in lakala aamin baxo, in rajo beel ku dhaco shacabka iyo iney dhacaan waxkasta oo xeer dhaaf ah oo dhici karay, marwalbana hanaanka ay doorashadu ku socotay uu ahaa mid ay gacmo kala duwan taladeeda soo wadeen,

 

  • UGU DAMBEYN:

Sikastoo ay shacabku quus uga istaageen Sanadkaan doorashada, sikastoo loo saluugay Xildhibaanada aan salaaddoodu isqabaneyn ee ku soo baxay Baarlamaanka 11aad, sikastoo rajo beel looga muujinayay qabsoomidda doorashada Madaxweynanimo, hadana marhadii uu dalku yeeshay baarlamaan cusub iyo gudoonkiisa Sikastaba haku yimaadaane, waxey dadka qalbiga wanaagsan ee dowladnimada jecel ka rajeynayaan iney 15ka May noqon doonaan kuwa dalka iyo dadka u hiiliya, islamarkaana xilgaar ah iska saara badbaadinta dowladnimada Soomaaliya iinshallah.

 

 

Ad Banner 728 x 90
Abdulkadir Dulyar Abdulkadir Farah Dulyar waa aasaasaha dulyarnews.com. sidoo kale wuxuu doorweyn ka qaataa curinta iyo soo diyaarinta qoraalo badan oo isugu jira maqaalo, sheekooyin iyo warbixino ku saabsam dhamaan umada Soomaaliyeed meel walbey dunida ka joogaan.

LEAVE YOUR COMMENT

Your email address will not be published. Required fields are marked *