1. Home
  2. FAALLO
  3. MIRAHA LAKALA GURTAY DOORASHADA MADAXWEYNE EE 2022-KA.
MIRAHA LAKALA GURTAY DOORASHADA MADAXWEYNE EE 2022-KA.

MIRAHA LAKALA GURTAY DOORASHADA MADAXWEYNE EE 2022-KA.

0
0

Mudane Sheekh Shariif, waa uu dedaalay wuxuu sameeyay isku day fiican oo ah in Siyaasadda hoos laga soo dhiso, iyadoo aan laga eegeyn oo qudha in Siyaasadda laga soo dhiso qeybta kore, wuxuu waqti badan geliyay in uu Gudooomiye Baarlamaan iyo xildhibaano ku xisbiya soo dhisto si uu u helo hogaan ay wada shaqeyn karaan, maadaama hadii uu xilka ku guuleysto uu isagu soo xulan doono RW la shaqeyn doona, waxkastase waxa ay isbadeleen markii uu ku haray wareegii koowaad ee tartanka, kadib markii uu aruursaday codad si weyn uga hooseeya kuwii la filayay in uu Shiikhu sanadkaan la imaan doono, tani waa markii Sadexaad ee uu ku guuldareysto doorashada, waana markii 4aad oo uu u tartamo kursiga Madaxweyne, isaga oo markaan noqonaya xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka 11aad.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud , wuxuu waqti dheer geliyay siyaasad uu ku kasbanayo madaxda Maamul Goboleedyada, waxaana doorashada sanadkan ka muuqatay awooddooda iyo sida ay miisaanka culus ugu dhex lahaayeen cododka doorashada, sidoo kale MD HSHM waxa uu garab xoogan ka helay murashixiinta mucaaradka ah iyo RW Rooble oo ay isku xisbi ahaayeen, intaas oo leysku daray ayaana go’aamisay guusha uu ka gaaray doorashada 2022ka, Dhanka kale, MD HSHM 2017kii waa uu u tanasulay MD Farmaajo wareegii 3aad , Laakiin MD Farmaajo 2022ka waxaa wareega Sadexaad looga guulaystay codad badan oo uusan qofna ku fikirin in MD HSHM uu kaga dheeraynayo MD Farmaajo, tanna waa cashar siyaasadeed oo uu musharax kasta hadda ka dib isugu dhiibi doono siyaasadda maamul-goboleedyada oo hadda aad u muujiyay saameynta ay ku leeyihiin kursiga ugu sareeya Federalka. Doorashadanina waa markii Sadexaad ee uu HSHM u tartamo kursiga , waana markii labaad ee uu ku guuleysto. Waxa uuna noqonayaa Madaxweynihii ugu horeeyay ee xilka loo doorto labo xili oo aan isxigin. Iyadoo ay meesha ka bixi doonto hadalheyntii aheyd in Madaxweyne mar la doortay aaney Soomaalidu marlabaad dooran.

Mudane Farmaajo, wuxuu ahaa Madaxweyne inta badan wuxuu taageero ka heystay shacabka, shaqaalaha dowladda iyo Ciidamada, balse wuxuu ka aradnaa isku wadka mucaaradka iyo muxaafidka, wuxuuna waxbadan iska indho tiray awoodda Madaxweyne Goboleedyadu ku leeyihiin doorashada, balse wuxuu muujiyay dedaal iyo karti iyo in uu siyaasad ahaan weli noolyahay, kadib markii uu tartanka doorashada soo xaadiray. Dadbadan waxey lahaayeen doorkaan MD Farmaajo wuxuu dhisayaa MD Sheekh Shariif oo warega labaad hadeey isla soo gaaraan isaga ayuu codadka uu helay siin doonaa, balse waxaa cadaatay inuu isagu doorashada hanweyn ka lahaa. Sidoo kale dad badani waa rumeysan waayeen MD Farmaajo oo 2dii sano ee ugu dambeysay lagula jiray dagaal ba’an oo dhinacyo kala duwan ah, si walbana loo soo sumcad dilay in uu u gudbi doono warega 3aad, taasina waxey cadeyn u tahay hadii uu heli lahaa isbaheysi in uu ku soo bixi karay kaalinta koowaad , balse wuxuu gurtay miraha geedkii Siyaasadeed ee uu beertay mudadii uu xilka hayay. Doorashadani waa tii Sadexaad ee uu kursiga tartan u galo, waana middii labaad ee uu ku guuldareysto, inkastoo middii hore uu tartanka iska casilay, waxa uuse noqonayaa Xildhibaan sharafeed sida uu u noqday 2017-kii Madaxweynahii uu kursiga kaga guuleystay, ee isna 2022ka kaga guuleystay.

Mudane Kheyre (Raysalwasaarihii hore), xaqiiqdii waa uu dedaalay, waxey aheyd markii ugu horeysay ee uu fagaare siyaasadeed ka tartamo, maadaama uu Siyaasadda ku soo galay magacaabis, dad badan bey layaab ku noqotay halka uu soo gaaray, waxaana isleeyahay hadii uu sii joogteeyo dedaalkiisa soyaasadeed waa uu ka guul gaari karaa, mar hadii uu keligiis u sharaxnaa garab Siyaasadeed dhan oo u hamuun qaba kursiga Madaxweyne, kuwaas oo doorashadaan u muujiyay isgarab taag buuxa, tanina waxey utahay waayo aragnomo siyaasadeed.

Mudane Dani, waa markii labaad ee uu isku soo taago tartanka kursiga Madaxweynanimo ee Federaalka, wuxuuna soo gaaray wareega 3aad, Tankale wuxuu la yimid siyaasad labo canleyn ah oo uu doonayay in uu ku helo kursiga, wuxuu 2dii sano ee tagtay ka soo shaqeeyay sidii uu u cuuryaamin lahaa Siyaasadda MD Farmaajo oo ay isku saami siyaasadeed yihiin, wuxuuna gacanta ku qabtay kalsoonida iyo Siyaasadda Xildhibaanada labada maamul Goboleed ee Puntland iyo Jubaland, intaa markuu ku soo guuleystayna waxa uu isbaheysi la sameystay hogaanka xisbigiisii hore ee uu ka tirsanaa ee Damujadiid, wuxuuse marwalba diyaar u ahaa in uu isagu tiigsado halka ugu sareysa ee lagu tartamayo, taasina waa tan dhaafisay qorshihiisii labaad ee ahaa hadii uu guuldareysto in uu RW kula gorgortamo guuleystaha doorashada. Hase yeeshee wuxuu doorashadan ka dhabeeyay si uu isagu boos u helo, balanqaadkiisii hore ee ahaa inuu MD Farmaajo meesha ka saarayo, balantaasna wuxuu fuliyay markii uu ilaa wareegii 3aad ee doorashada ku mintiday in aaney gacantiisa ka bixin inta badan Xildhibaanada laga soo doortay Puntland & Jubaland.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha la doortay Md HSHM, waxaa horyaalla imtaxaan adag oo la wada dhowrayo sida uu ugu baaso, kana bilaaban doona Xukuumadda ay soo wada dhisi doonaan isaga iyo RW uu magacaabo, tiimka uu u xulan doono iney isaga si gaar ah ula shaqeeyaan, hagaajinta hey’adaha dowladda, garsoorka iyo cadaaladda , sida uu u daweeyo boogaha siyaasadeed ee muuqda, iyo sida uu qudhiisu isaga dhaqi doono dhaliiliihii badnaa ee loo tirinayay dhankiisa. Halkaas markeey taagan tahay, 39ka musharax ee sanadkaan u soo istaagay kursiga Madaxweynaha mid walba tareenka wuxuu uga haray bosteejo gaar ah, sidaas daraadeed waxaa haboon marhadii lakala guuleystay, halkii jidgooyooyin loo dhigi lahaa tareenka, in leysla wada shaqeeyo, oo uu Siyaasi walba tareenku waa dheer yahaye kursi ku haboon ka raadsado, si dowladnimadeenu uga baxdo isqabqabsiga, jidgooyooyinka iyo khilaafaadka joogtada ah.

 

Ad Banner 728 x 90
Abdulkadir Dulyar Abdulkadir Farah Dulyar waa aasaasaha dulyarnews.com. sidoo kale wuxuu doorweyn ka qaataa curinta iyo soo diyaarinta qoraalo badan oo isugu jira maqaalo, sheekooyin iyo warbixino ku saabsam dhamaan umada Soomaaliyeed meel walbey dunida ka joogaan.

LEAVE YOUR COMMENT

Your email address will not be published. Required fields are marked *