•SOCDAALKEYGII BALADWEYNE & XABSIGII AAN KALA KULMAY.!! ???????????????? ????????????:
21-December,2020,Waxey ii aheyd markii iigu horeysay ee aan Baladweyne tago, ma aheyn socdaalkeygu mid shaqo & mid Saxaafadeed toona, ee wuxuu ahaa mid dalxiis iyo mid deegaan barasho, hase yeeshee xiisihii aan u qabay iyo dareenkii aan islahaa waad kala kulmi doontaa wuxuu isku bedalay si lama filaan ah.
Sxbkeey Angola Hiran oo ka yimid Swedan ayaan subax Axad ah ka soo qaaday garoonka Adan Adde,waxaana soo dejiyey guriga aan deganahay,qorshihiisu wuxuu ahaa in uu Baladweyne ka fuliyo mashruuc digaag, Aniguna waxaan daneynayay inaan Baladweyne mar soo arko, maadaama aan in mudo ah dhegta un ka maqlayay amaanta iyo quruxda Baladweyne, sidoo kale aan marar badan dhegeystay heeska BALADWEYN ee uu sameeyay Abwaan Hadraawi:
-Wabigoo butaacoo
-Beeraha waraabshoo
-Dhulku baadku jiifoo,
-Dhirtu ubaxa bixisoo
-Badarkiyo galeydii
-Laga tuuray baalkoo
-Canabkii bislaadoo
-Buladiyo ciyaartii
-Lagu waabariistoo
-Beeluhu Gu’ joogaan
-Sow {bari samaadkii}……….(Saban xumaadkii) Baladweyne maan tegin.
Weligeey waan ku taamayey inaan maalin un booqdo Baladweyne & oo aan soo arko waxa Abwaanku noo sawirayey, waxaase ilaaheey qadaray inaan subaxnimo Talaado ah Aniga iyo Sxbkeey @Angola ka dagno garoonka Baladweyne, ma jirin wax kaloo qorsho ah oo noo wehliyey mashruucaas digaaga ah ee uu Sxbkeey waday iyo Aniga oo doonayay inaan soo arko Baladweyne,
Hase yeeshee durba waxey indhaheygu rumeysan waayeen garoonka aan ka degnay muuqaalkiisa, waxaan u soo dhaqaaqnay dhanka magaalada, intii aan wadada ku soo soconayna waxaan hadba ka ilbuuxsanayey wadada iyo guryaha hareeraha kaga teedsanaa, markiiba waxaan Gudaha u soo galnay magaalada oo Aan garoonku aad uga fogeyn, si fcn baa naloo soo dhaweeyay waxaana nala dajiyey HOTEL STAR oo ah hotel cusub, xiisaha aan magaalada u qabo darteed kuma daahin hotelka ee waxaan u soo baxay banaanka, waxaana imid geed weyn oo lagu shaaheeyo oo ku horyaala xaafiiska Nin layiraahdo CAJIIN oo ah Nin saciim ah dibna aan ka saaxiibnay oo aan ka fogeyn Xerada LAMA GALAAY oo qudheeda aanan Anigu maalintaa wax aqoon ah u laheyn balse aan dib ka baran doono.
Dadka geedka ku wada shaahaya qaarkood iyagaa i bar garanaya, Aniguse qofna kama aqoon, waxaanse u wada sheekeysanay sida dad horey isu yaqaanay oo kale, waxey aakhirkii ii soojeediyeen mar hadaan magaalada imid inaan wareysi la soo yeesho Jeneral Xuud oo ah Nin jabhad hubeysan ku heysta duleedka Baladweyne, oo dhowr jeer oo hore ay dhalinyaro Suxufiyiin ah wareysiyo la soo yeesheen balse aan la weydiin su’aalihii loo baahnaa.
-Waxaan ku iri :- Anigu howl Saxaafadeed uma imaan Baladweyne qalabna ma sito, balse hadii aan wax dhib ah ka imaaneyn, qalabna aad diyaarisaan, isagana aad balan ka soo qaban kartaan Anigu diyaar baan u ahay inaan wareysi la soo yeesho, waxaana intaa u raaciyey in qorshaheygu yahay 3 maalmood inaan Baladweyne joogo.
Howshaas ragii deegaanka ayaa isku xirxiray, maalintii ku xigtayna General Xuud ayaa ciidan iyo gaari noo soo diray oo xili barqo ah hotelka naga qaaday, waxaana ugu tagey deegaan u dhow CEEL GAAL, oo labo buurood dhexdooda ah, si fiican buu noo soo dhaweeyay wuxuuna noo qalay Neef Ariya, intii diyaarintiisu socotayna waxaan la yeeshay wareysi kooban oo Aan sawir guud kaga qaatay sababta uu dhalinyarada hubeysan ula soo galay dhulkan buuraha ah, Waan wada qadeynay,waana sheekeysanay,waxaana dib hotelka iigu soo celiyey isla gaarigii iyo ciidankii General Xuud ee markii hore hotelka iga qaaday,
———————————000———————————-
NB- Wareysiga oo dhameystiran waan idiin hayaa ee yaan la degdegin Maryooleey.!!!!
———————————-000———————————-
Markaan hubsaday inaan badweyntii Saxaafadda dhexgalay ayaan Sxbkeey Angola ku idhi,Sxbow mar hadaan Dhinac mucaarad ah wareystay waxaan u baahanahay dhinaca Madaxda Hirshabeelle ama Wasiirka A/Gudaha General Muqtar oo markaa magaalada ku sugnaa,……WAA Ok, ayuu igu yiri,wuxuuna noogu yeeray mid ka mid ah Agaasimayaasha Guud ee Hirshabeelle, waxaan u bandhignay arintii,wuuna nala qaatay isagoo noo sheegay inuu arinkaas ka howgalayo.
Majirin Anigu shaki badan oo aan ka qabay in dambi iiga imaan karo wareysiga General Xuud, maadaama uu yahay Nin magaalada u soo Coffee doonta, CEEL GAALNA u casiriya doonta, islamarkaana ay ciidankiisu Hotelka iga qaadeen dibna iigu soo celiyeen oo ay maamulka Gobolka iyo kan Hirshabeelleba ka wada war hayeen, ee waxaan markiiba barteyda Facebooka soo dhigay sawiradii wareysiga, xoogaa ka dibna waxaan soo dhigay muuqaal kooban oo wareysiga ka mid ah.
-DABADEED MAXAA DHACAY………?
•Xarigeenu sidee u dhacay.
•Xabsiga iyo xaaladdiisa.
•Cidda ka dambeysay.
•Sida naloo soo daayay.
•Dareenka bulshada Baladweyne.
•Kulamadii aan layeeshay madaxda Hirshabeelle, & Wasiir Muqtaar.
•Nolosha guud ee Baladweyne.
•Waxa sababta u ah dib u dhac Baladweyne.
•Waxyaabaha leysku hayo.
-Sheekooyinka igu cusub ee aan Baladweyne ugu tagay.
-Niyad wanaaga shacabka Baladweyne.
•Dareenkeygii iyo aragtideydii hore waxa iska badalay.’ Iyo qodobo kaleba….LA SOCO QEYBAHA SOO SOCDA.
WQ/- Abdulkadir Dulyar
MAXAA YAAB ISDABAYAAL.!!