1. Home
  2. FAALLO
  3. PART TWO:- SOCDAALKII BALADWEYNE & XABSIGII AAN KALA KULMAY
PART TWO:- SOCDAALKII BALADWEYNE & XABSIGII AAN KALA KULMAY

PART TWO:- SOCDAALKII BALADWEYNE & XABSIGII AAN KALA KULMAY

0
0

 

SOCDAALKII BALADWEYNE & XABSIGII AAN KALA KULMAY.!!! 

PART TWO:- 

DABADEED MAXAA DHACAY…….?

Abaarihii 10-kii habeenimo ayaa Aniga oo Hotelka jooga waxaa ii soo galay ilaa 8 ruux oo ku hubeysan Ak-47 iyo BKM -yo, durba waan dareemay in wax jiraan,lkn waxaan kala garan waayay iney Ciidamadii General Xuud oo wareysiga qoonsaday yihiin, iyo iney ciidan xaafadeed yihiin,maadaama ay dhar ahaan gashanaayeen qaarkood macawisyo iyo shaarar caadiya, qaarna ay xirnaayeen tuuraha ciidamada iyo kabo saandalo ah, intooda badan waxey ruugayeen QAAD, waxaana ka muuqday isbarbaryaac uu kolba mid amar i siinayey, marna uma qaadan ciidan ka socda maamulka Baladweyne ama kuwa Hirshabeelle, mid baase i weydiiyay magaceyga waana u sheegay, wuxuu kaloo i weydiiyay aaway Ninkii kula socday? isna waan u sheegay in uu maqan yahay, wuxuu igu yiri noo wac, Teleefoon keyga oo aan iga fogeyn ayaan soo haabtay waxaana wacay Angola,  Anigoo ku  wargeliyey in rag ciidan ah ay ila joogaan isagana ay rabaan, Ok waan kuu imaanayaa ayuu igu yiri, 

intaa ka dib, ciidanku waxey igu yiraahdeen qolkaaga na gee, ina keena ayaan ku iri, waxaana horey noo soo raacay Wiil dhalinyaro ah oo maamulaha Hotelka ah oo layiraahdo KEYDSANE , waxey baareen boorsadeyda iyo tii Angola, Nin aan u fahmay in uu maleeshiyadan hogaaminayo ayaan ku iri, Sxb Maxaa jira? Maxaadse tihiin idinku bal isku key sheega? Wuxuu iigu jawaabay waa laguu sheegayaa…. dabadeed inta gees u dhaqaaqay ayuu Teleefoon qof kale kula hadlay, Anigu weli waxaan dhex taaganahay qolka oo waxaa leygu hayaa qoryo, Wiilkii maamulaha Hotelka ahaa ayaa ku yiri, Ninkaan idinkama baxsanayee qoryaha ka leexiya, lkn isagii ayeyba handadaad ugu dhaqaaqeen, cabaar ka dib waxaa leyga qaaday teleeefoonadii waxaana leygu amray inaan soo  qaato boorsadeyda, waxaan ku iri,ma meel kale ayaa ley dejinayaa? Mise waa ley musaafurinayaa? Maxey tahay boorsada soo qaado, iyadoo aan ley jawaabin ayaa boorsadeydii la soo qaaday Anigana ley soo kaxeeyay, 

Banaanka hotelka waxaa yaalay gaari Cabdi Bile ah iyo dhowr kaloo ciidan ah,balse inteynaan albaabka hotelka ka soo bixin waxaa jaranjarada hoose nooga horyimid Angola, isna  markiiba waxaa laga qaaday taleefoonkii oo uu markaa ku hadlayey, waxaana labadayadii nala saaray gaarigii Cabdi Bilaha ahaa dushiisa, Anigu weli ma aqaan ragani waxa ay yihiin iyaguna waa diideen iney isku key sheegaan,balse Sxbkeey Angola ayaa ii sheegay iney ciidanka Maamulka magaalada yihiin, Anigoo markaa xaalkeygu baraanbar tahay ayaa nala keenay meel dhismo ah oo inta gaarigii nalaka soo dejiyey nalaku yiri gala halkaan, naloona raaciyey qolka VIP-da geeya , Markiiba Nin u carbisan howshaas oo furayaal badan gacanta ku heysta ayaa nala dhaqaaqay wuxuuna labadayadii na geeyay qol 4 mitir ah oo wasaq ah  caagado badan oo qaarkood kaadi ku jirtana ay ka buuxaan, hase yeeshee meel gees ah uu ka muuqdo sali ama Casiigad, markuu dhexdiisa nagu hubsadayna dusha ayuu nooga xiray iskana dhaqaaqay, majirin cid noo sheegtay dambiga nalaku soo xirey, balse su’aashii koowaad ee aan Sxbkeey Angola weydiiyey waxey aheyd,hadii meeshaani tahay saldhigii magaalada maxaa OOBI nalookaga qori waayay? wuxuuna iigu jawaabay…Wlhy ma aqaane horta maxey meeshaan noogu soo xireen? ….Aniguna ma aqaan baan ugu jawaabay.

•XAALADDA XABSIGA:-

Xabsigu waa mid Dhawaan la dhisay sida la ii sheegay, balse aan helin daryeel iyo nadaafad, waxaa habeenkaa nala keenay ku xirnaa oo aan ugu tagnay dhalinyaro ciidanka ka tirsan oo dambiyo kala duwan loo soo xiray, iyo dhowr qof oo shacab ah, majirin dadkaas wax Maxkamad ah oo la horgeeyay,qaar baana ii sheegay iney ku xiran yihiin saldhiga dhowr bilood, waxaa ka mid ahaa Nin cuntada ka soomay dhowr maalmood oo nuu ila hadlo diiday, waxaanse layaabay iney qaarkood daroogada xashiishka ah  isticmaalayeen, halka looga soo iibiyana wey ii sheegeen…………….!!!, Tankale Annaga horteen waxey heysteen telefoono  ay malaha ehaladooda kula xiriiri jireen,balse habeenkaas Annaga daraadeen ayaa looga qaaday sida ay noo sheegeen markii aan weydiinay iney wax Teleefoon ah heystaan, 

Qolku wuxuu ahaa mid kulul oo qashin badan dhexyaal, yeelkeede Anigu xabsi waan ogaa inaan raaxo loo tageyn, balse Sxbkeey Angola oo dhowr jeer ku qeyliyay Askariga furaha haya in meeshaani kulushahay oo uu Albaabka noo furo cidi dheg jalaq uma siin,markuu daalay baan ku iri: – duqa iska soo fadhiiso yaan qeyladu kaa dhamaane, maxaabiista kale ma jirin qof qol ku xirnaa  ee waxey  iska dhex socsocdeen  gudaha xabsiga oo dusha kore kaga xirnaa, mararka qaar intey shabaqa albaabka qolkeena soo istaagaan ayaan halkaa ka wada  sheekeysaneynay, kaftan iyo qosol ayaan waqti dambe ku wada gaarnay,Xitaa waxey mid mid noogu sheegeen dambiyada loo soo kala xiray,runtii waxey ahaayeen  qaarkood dhalinyaro aad u qalbi fiican, waxey Anagana na weydiiyeen sababta naloo soo xirey? Lkn taa jawaab waan u weynay, oo waxaan ku iri Akhyaareey ma naqaan sababta nalaku soo xiray,lkn waxaan u maleynayaa in  nalaku heysto maxaad General Xuud ugu tagteen, inteey nagu qosleen ayey nagu yiraahdeen taas miyaa dambi ah dadka magaalada oo dhan baa u tagee, 

2:00 AM ee habeenimo markeey gaartay ayaan ku iri Sxbkeey Angola, Sxb habeen wanaagsan oo intaan Kabaheeyga barkaday seexday, markii ugu horeysay ee aan indhaha soo kala qaaday waxaan arkay isagoo sidii u fadhiya, waxaan ku iri war maad seexatid, kuye war Ninyahow Aniga Weligeey leyma xirin meel aan seexdana ma aqaane iga leexo, intaan ku qoslay baan ku iri,Marka Safaaradaada Swedan iyo Loyar kaaga waco….wuu igu qoslay kkkk, maxaad ku qosleysaa baan ku iri meeshaan safaaradda QOONAHA ayaa ku taalee, hhhh  wixii intaa ka dambeeyayna Anigu waan  iska seexday. 

Waagii ayaa baryey, hase yeeshee Saaxiibkeey sidii aan ku ogaa buu u soo jeedaa, waxaase inyar ka dib noo soo gashay Gabar layiraahdo MARYAN oo quraac iyo shaah iyo cabitaanba noo wada, labadayaduba ma naqaano, balse , sida ay mardambe noo sheegtay waxaa ku soo wargeliyey inaan xiranahay Wariye MAKARAAN oo ku yiri bal ragaa ka war doon, Anigana waxey igu taqaanay Social Media, dhabtii waxey noo muujisay iney aad uga xun tahay waxa nagu dhacay,waxey canaan kala dul dhacday kuwii halkaan na keenay, qolkaan wasaqda badana nagu soo xiray, waxey noo sameysay wax kasta oo ay awoodi karto, xitaa waxey isku dayday iney joodariyaal noo keento,Annagaa ka diidnay mooyee, sidoo kale saacad ka dib waxa uu qolkeenii 4-ta mitir ahaa isku bedelay goob ay casuumadi ka jirto, waxaana soo camiray dad,Cunto,Cabitaan,iyo nimco ilaaheey,  dhowr qofood oo Aan is ogeyn ayaa midba gaar quraac noogu keenay, si taas la mid ah qof walba oo na soo booqanayey wax unbuu gacanta ku siday, dadkaasi ma aheyn dad aan wada naqaanay ee waa dadkii magaalada Baladweyne oo ka xumaaday kana damqaday xarigeena, (Mahadsanidiin dhamaantiin) 

Dhanka kale maxaabiistii kale ee xabsiga waxey subaxaas u aheyd maalin CIID ah, waayoo waxey horey iigu sheegeen in ay cunto ahaan u cunaan duhurkii  bariis jeey ah, galabtiina Digir beebeeshee ah oo Aan Aniguba habeenkii dul tagay saxankii ay galabtaas ku casheeyeen, lkn Saakay xaalku waa uu ka duwanaa  subax yadii hore  oo waxey nala wadaageen nimcadii naloo keenay, , markiise ay na soo gaartay akhbaarta ah in nala siideynayo qaarkood waxey noo soo jeediyeen inaan maalmo kale la sii joogno,hhhh 

runtii gabadha MARYAN ELMI ah kartideeda iyo wanaagii ay noo muujisay, dedaalkii bahda Saxaafadda, gurmadka dadka Baladweyne, & dal iyo dibad bahdii & Saaxiibadii baraha bulshadu sida ay arinkaas uga falceliyeen  iyo in hadii aan saacado kale sii xirnaano la qorsheeyay in magaalada laga dhigayo banaanbax weyn, waa waxyaabaha sababta u ahaa in Annagoo faraxsan aan xabsiga ka soo baxo. 01-00 dii duhurnimo, iyadoo sidii hore oo kale aan wax OOBI ah nala soo marsiin naloona sheegin  waxa nalaku siidaayay………waxaase jirey shuruud gaar ah  oo Aniga soo deynteyda lagu xirey, Sxbkeey @Angola oo la soo jeediyey in uu isagu maalmo kale sii xirnaado, iyo sheeko layaab leh oo Aniga igu saabsan oo Wasiir Muqtaar iyo M/K/Xigeenka Dabageed iyo bahda Saxaafadda Hiiraan dhexmartay..!!. 

•MARKIISE NALA SOO DAAYEY MAXAA DHACAY……..? 

       

* Nolasha Magaalada Baladweyne 

* Kulamadii aan la yeeshay MD/K/X/Hirshabeelle Dabageed & Wasiir Muqtaar.

* Horumarka & Dib u dhaca Baladweyne,

* Sheekooyinka igu cusub ee aan Baladweyne kala kulmay.

* Waxyaabaha la isku hayo.

* Cida ka dambeysay xarigeena. 

•Aragtideydii hore maxaa iska badelay….Iyo QODOBO KALEBA……….LA SOCO QEYBTA SADEXAAD……….waa inoo habeen dambe Maryooleey, iinshallah.

WQ/- Abdulkadir Dulyar 

Maxaa yaab isdabayaal.!!!



Ad Banner 728 x 90
Abdulkadir Dulyar Abdulkadir Farah Dulyar waa aasaasaha dulyarnews.com. sidoo kale wuxuu doorweyn ka qaataa curinta iyo soo diyaarinta qoraalo badan oo isugu jira maqaalo, sheekooyin iyo warbixino ku saabsam dhamaan umada Soomaaliyeed meel walbey dunida ka joogaan.

LEAVE YOUR COMMENT

Your email address will not be published. Required fields are marked *