1. Home
  2. FIKRAD
  3. QORMO:- AWR KALA GUURTA MA XUMEE UUR KALA GUURAA XUN
QORMO:- AWR KALA GUURTA MA XUMEE UUR KALA GUURAA XUN

QORMO:- AWR KALA GUURTA MA XUMEE UUR KALA GUURAA XUN

0
0

=FADLAN ADIGOO DEGAN DHUUX QORMADAN:-

oomaalidu inkastoo  ay
kala Uur guurtay hadana waxaan mararka qaar isweydiiyaa Aaway dadkii
Soomaaliyeed ee Damiirka, Cilmiga,iyo Garashada lahaa?  maxaa
dadka wada seexshay? Toloow dadkaasi ma dhamaadeen? Ma laga xoog iyo
xoolo badiyay? Mala cabsi galiyay? Ma doorsoomeen? mise dadkii baa
wada xumaaday?
-Waxaan kaloo isweydiiyaa
Dadka hadda nool maxaa helay?Xagee laga heystaa? Miyeysan dareen iyo
damiir laheyn? Maxay u tarmayaan, u tabcayaan, uguna daalayaan
Caqligooda, Cilmigooda,Xoolahooda,Cibaadadooda,iyo noloshooda,?
Maxeyse u tarayaan waxaas oo dhami , hadii aaney -Aqoontu dareensiin
karin waxa noloshooda ka maqan, -Xoolahooda u heli karin nabadgalyo,
-Cibaada dooduna aaney ka reebi karin  Qabyaalada &
xumaanta,-Caqligoodana uu garan la’yahay iney ku raadiyaan Dal ka
duwan dalka ay iminka ku nool yihiin, Noloshuse maxay macno ah oo ay
u sameyneysaa hadii aaney u heli karin waxa ay uga baahan tahay.,
-Sua’aalahaas oo dhan
waxaa igu qasbay inaan is weydiiyo. Sidee Soomaalidu  10
sano iyo ka badan intey ka soo dagaalantay Dulmi & Cadaalad daro
ay qaarkood ka tirsadeen qaarka kale, kuna dumiyeen
dowladnimadoodii,ay hadana u aqbashay iney 30 sano ku noolaato Dowlad
la’aan, Burbur, cadaalad daro, Dil,Qarax,Boob,Nidaam xumo,Kala
tag,sadbursi,Nabadgalyo daro,iyo is aamin daro?
-Sidee u aqbashay  in
uu 30 sano mustaqbalkoodu ku jiro gacmo shisheeye, & madax
isdooratay oo loo yeeriyo waxa ay dalka ka qabanayaan, kaaga darane
ay 4-tii Sanaba marna ugu kala sacbinayaan, una
daawanayaan  Siyaasiyiin ku hogaaminaya wado iyaga sii kala
fogeyneysa,Wado mugdi ah oo sii dileysa rajadooda. Wado iyaga xuduudo
loogu kala jeexayo, Oo aysan marna ku  gaareyn waxa ay
rabaan balse ay isdiidsiinayaan.
  • Horta wey
    iska socdaane xaalkoodu waa Allaa watoo wehel uma baahneyn inta
    Cuudu bileystaan maxeey dadkeenu  u fahmi la’yihiin  iney
    hal mar dib u soo eegaan wadadii  ay soomareen iyo waxa ay
    soo sameeyeen ama ay ku soo dhiseen iney yihiin wax saxan iyo iney
    yihiin wax qaldan si ay markaa u go’aan sadaan iney
    socodkooda  sii wataan iyo iney yiraahdaan Aleylehe
    wadadaani nama geyneyso meesha aan rabno ee aan wado kale raadsano. 
-Sidee dadkeenu u aqbalay
muddo ka badan 10- Sano in 7-aadkiiba inta mar loo yimaado in la
xasuuqo hadana ay sugaan 7-aadka dambe in goob kale lagu xasuuqo? oo
ay  marna isku weydiin  la’Yihiin waxaani
sababta ay u dhacaan, sida ay uga hortagi karaan iyo ma jiraa waqti
cayiman oo uu ku egyahay xasuuqoodu? Maxayse qabtaan 500 ee Corneyl,
100-ka Jeneral, 20-ka S/Gaas & 1-ka S/Guud ee Dowladu u xil
saartay Amaanka marka ay wiilal yaryar oo aan 1-Jeneraal la soconi ay
maalin kasta dadkeena xasuuqayaan? 
-Maxaan horta isku weydiin
la’nahay waa maxay waxa aan wadajirkeena ku weynay oo aan kala
tageena ku heleyno? Maxaan uga wada hadli la’nahay waxa naga qaldan
,sababta keentay qaladka,waqtiga uu soo bilowday qaladku iyo waa
maxay waxa ugu horeeya ee aan maanta ubaahan nahay? Si bal markaas
aan u ogaano mushkiladeena,lkn iminka waxaad moodaa in mushkiladeenii
laftirkeeda sidii loo walaaqayay uu xalkeedii noqday mushkilad kale
oo lama taabtaan ah..
Waa gar inaad hadaladeyda
la yaabtaan, waayoo weli maskaxdeena iskama aynaan weydiin  su’aalo
run ah oo ay aheyd inaan mar hore isweydiino,yaabkuna sida aan filayo
waa idinku gabaabsi, balse marka  uu dal ku dhaco burbur
iyo Qaran jab tilaabooyinka ugu horeeya ee loo maro dib u dhiskiisa
waxaa lagu sheegaa labo qodob oo kala ah “Peace Building &
State Building “ Soomaaliya  labadaas wado tii saxda
aheyd ayaa bilowgii horeba laga weeciyay waxaana 30 sano lagu
jehawareeriyay State Building, marna Soomaalidu isma weydiin Sidee
dal aan dadkiisu nabadgalyo heysan  oo aan ka heshiin wixii
dhexmaray oo wada hubeysan maamul  loogu dhisi
karaa?  Taasi waa tan sababtay in dalkeena lagu tijaabiyo
nidaamyo uusan xamili karin oo sii kala dhantaalay awoodeenii iyo
Qaran keeniiba, balse Ka warama hadii 1991-dii Peace Building laga
bilaabi lahaa howsheena? Hubkana aan iska wada dhigi laheyn ama aan
u dhiiban laheyn hadba nidaamka aan markaas ku
heshiino.? Sidee iminka xaalkeenu ahaan lahaa?
Ugudambeyn, inta laleeyahay
Soomaaliya 4-tii sanaba mar dowlad haloo dhiso  haba iska
tabar yaraatee oo marba casharo laynoo yeeriyay sida loox Quraankii
ka soo baxa nala leeyahay,runtana aan laga sheegeyn sida aan dowlad
rasmiya ku heli karno ,  oo Soomaalidu wey kala uur
guurtaye aynaan kaba wada hadleyn sida uur kala guuray loo kala
daweyn karo, Waxaan ku jiri doonaa dowlado Yacyacood  ah oo
aan keeni karin baahiyaheena  inaan dhibkeeda dhaxlno
mooyee  balse tii Allah SWTC iyaduna waa gaarkeeda ee
ROBOOW DOWLAD AWOOD LEH OO KHEYR LEH OO NA MIDEYSA NASII AAMIIN DHAHA
DADWEYNOW, AAMIIN DHAHA, AAMIIN DHAHA.!!
WAXAAD MAANTA BI’ISAAN
BIRI HA U SHALAAYINA.!!!
WQ/- Abdulkadir Dulyar
Muqdisho

Ad Banner 728 x 90
Abdulkadir Dulyar Abdulkadir Farah Dulyar waa aasaasaha dulyarnews.com. sidoo kale wuxuu doorweyn ka qaataa curinta iyo soo diyaarinta qoraalo badan oo isugu jira maqaalo, sheekooyin iyo warbixino ku saabsam dhamaan umada Soomaaliyeed meel walbey dunida ka joogaan.

LEAVE YOUR COMMENT

Your email address will not be published. Required fields are marked *