1. Home
  2. WACYIGALIN
  3. TALO KU SOCOTA SAXAAFADDA
TALO KU SOCOTA SAXAAFADDA

TALO KU SOCOTA SAXAAFADDA

0
0

 

AAN ISKA GARDAROODEE……Horta Aniga dadka kale waxba igama gelin, balse Caawa waxaan rabaa inaan si gaar ah ula hadlo bahdeyda Saxaafadda.
Sxbyaal Salaan kadib, iyadoo uu qof walba oo innaga mid ahi  ra’yigiisa iyo siyaasaddiisa u madax banaan yahay, sidoo kalena uu xaq  u leeyahay inuu Siyaasiguu doono taageero ama uu midkuu rabo dhaliilo,inkastoo aaney wanaagsaneyn in siyaasadaha isdiidan lagu dhex farabaxsado, hadana waxaan rabaa inaan si wadajir ah talo kooban idinkula wadaago, ……taas oo ah inaan ka fogaano hadalada colaad hurinta ah,aflagaadada Madaxda, marin habaabinta bulshada, iyo waxkasta oo qas iyo qalalaase dalka ka abuuri kara, ama dhaawaci kara Nabadda, deganaanshaha iyo dowladnimada yar ee aan maanta heysano oo ah howl in mudo ah  laga soo shaqeynayey.
Waad la socotaan waqtigan dalkeenu  marxaladda uu ku sugan yahay, Siyaasad ahaan,Amni ahaan, dhaqaale ahaan iyo bulsho ahaanba, waxaana naga saaran waajib, sidaas daraadeed Wax micno ah masameyneyso inaan bulshadeena dariiq qaldan u horseedno ama aan kala qeyb-qeybino, balse waxaa macno weyn noo wada sameynaya inaan qalinkeena ku toosino, ama aan wixii xun uga digno,
Sidoo kale Saaxiibayaal,  hadii ay Siyaasiyiinteenii Siyaasadda ku fashilmeen ma aha iney Suxufiyiinteenuna ay Saxaafadda ku fashilmaan, ee Waa inaan ka wada fekarno inta Maryooleey ee qoraaladeena rumeysan karta, inooga dayan karta, ku niyad jabi karta ama nagula yaabi karta, maadaama uu Suxufugu yahay hagaha bulshada.
Ugudambeyn, Sxbayaal aan Siyaasiyiinteena barno iney Siyaasadda ugu tartamaan waxqabad iyo qorshayaal horumarineed oo ay la yimaadaan, balse yeynaan Siyaasiyiinta  barin inaan ku tartansiino Aflagaado, sawiro anshax xun iyo Qabyaalad qaawan oo aan Sanad walba u kala miisno.!!
=WABILAAHI TOWFIIQ=
NB/- Fariintani waa isxilqaan, ma jirto cid gaar ah oo maalgelisay ama ay  gooni ugu socoto, Mahadsanidiin.!!!
#Murashax2021 
Maxaa yaab isdabayaal.!!!
Ad Banner 728 x 90
Abdulkadir Dulyar Abdulkadir Farah Dulyar waa aasaasaha dulyarnews.com. sidoo kale wuxuu doorweyn ka qaataa curinta iyo soo diyaarinta qoraalo badan oo isugu jira maqaalo, sheekooyin iyo warbixino ku saabsam dhamaan umada Soomaaliyeed meel walbey dunida ka joogaan.

LEAVE YOUR COMMENT

Your email address will not be published. Required fields are marked *