1. Home
  2. MAQAAL
  3. WARBIXIN:- KHASAARAHA KA DHALANAYA DHIMASHADA BOQORADDA INGRIISKA. WQ/- Sabriye Muse
WARBIXIN:- KHASAARAHA KA DHALANAYA DHIMASHADA BOQORADDA INGRIISKA. WQ/- Sabriye Muse

WARBIXIN:- KHASAARAHA KA DHALANAYA DHIMASHADA BOQORADDA INGRIISKA. WQ/- Sabriye Muse

0
0

 

KHASAARAHA KA DHALANAYA DHIMASHADA BOQORADDA INGIRIISKA

Elizebeth-ta 2aad oo ah boqoradda United Kingdom, Antigua and Barbuda, Australia, the Bahamas, Barbados, Belize, Canada, Grenada, Jamaica, New Zealand, Papua New Guinea, St. Kitts and Nevis, St. Lucia, St. Vincent and the Grenadines, the Solomon Islands, and Tuvalu, maalin bay dhiman doontaa. 

Ka hadalka mocduucani waxa laga yaabaa in uu xasaasiyad keenayo, hase yeeshee boqoradda oo gaartay da’da 95 jir, waxay noqonaysaa boqoraddii ugu cimriga iyo xukunka dheerayd taariikhda boqortooyada Ingiriiska (95-69), maalin bayna dhiman doontaa.

Diyaar garow aad heerkiisu u sarreeyo oo muddo dheer soo billowday ayaa socda, sababtuna waa iska caddahay oo waxa weeye geerideedu waxay noqon doontaa dhacdada ugu saamaynta badan qarnigan, waxana ka dhalan doona khasaare maaliyadeed oo gaaraya balaayiin doollar.

Janaasada boqoraddu waxay noqon doontaa dhacdadii ugu badnayd taariikhda aadanaha oo si toos ah loo daawado. Waxa la rumeysan yahay in 40% dadka dunida ku nooli ay janaasada daawan doonaan.

Muddo hadda laga joogo 69 sano, geeridii boqorkii George kii 6aad, dad kooban oo darajooyin sarsare dunida ka haya ayaa geeridiisa loogu diray qaab farriineed baaq sir ah, weerta la adeegsadayna waxay ahayd (Hyde Park Corner). Sidaas bay mas’uuliinta sarsare ee dunidu ku ogaadeen geerida boqorka inta aanu warku warbaahinta dunida gaarin.

Waxa la filayaa in warka ku saabsan geerida boqorad Elizebeth-ta 2aad, si hoose loo faafin doono inta aanu warbaahinta gaarin, iyada oo lasii qorsheeyay in la adeegsado weerta aan sirta ahayn: London Bridge Is Down (Buundadii London Way Duntay). Borotokoolka arrintan oo la dejiyay 67 sano kahor, waxa uu sheegayaa in Xoghayaha Gaarka ah ee Boqoraddu uu la xiriiri doono Ra’iisul Wasaaraha oo isna warka usii gudbin doona Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo iyaduna warka sii gaarsiin doonta dalalka 53-ka ah ee ku jira Suuqa Barwaaqo-sooranka (Commonwealth) oo ah dalal uu Ingiriisku gumaysan jiray.

Intaas keddib, buu warku warbaahinta gaari doonaa. Warbaahinta dalka Ingiriiska dhammaan waxay haystaan faanuusyo ama laambado buluug ah oo loogu yeero Laambadaha Baroor-diiqda. Laanbadahaas hal meel baa laga wada shidayaa, shidistooduna waxay ka dhigan tahay in qof qoyska boqortooyada kamid ahi uu geeriyooday, in kasta oon qofka uu yahay la sheegayn. Borotokoolku waxa kale oo uu sheegayaa in isla markiiba dhammaan warbaahinta Ingiriisku ay baahin doonaan muusik gaar ah oo baroordiiq ah oo horay loogu heshiiyay, taas oo ka dhigan tallaabo gogolxaar ah oo shacabka loogu diyaarinayo in lala socodsiiyo geeridii ku timid boqoradda.

BBC ayaa noqon doonta idaacadda ugu horreysa ee heli doonta warka geerida boqoradda oo tifaftiran, waxana usoo gudbin doona siiri digniineed gaar ah oo markii hore loogu talo galay in uu digniin ka bixiyo wax allaale wixii sawaariikh ah oo dalka lagu soo tuuro, kaas oo la yagleelay intii uu socday dagaalkii qaboobaa ee dunidu. 

Markaas keddib, inta aanay taleefishanka BBC warka geerida baahin, weriyuhu qoor-xirkiisa waxa uu ku beddeli doonaa mid leh midabka madowga oo horay ay BBC ugu sii diyaarsatay maalintaasi. TV-ga BBC waxa uu baahin doonaa sawirro muddooyin kala duwan laga qaaday boqoradda, waxana laga saari doonaa heesta calanka dalka. Intaas keddib,  waxa la baahin doonaa warka naxdinta leh oo sidan u dhigan: “This is BBC television news. Buckingham Palace has just announced the death of the Queen” (Halkani waa wararka telefishanka BBC. Qasriga Buckingham waxa uu shaaviyay geerida Boqoradda). Waxa sidoo kale hoos loo dhigi doonaa calanka Ingiriiska.

Dhammaan qaybaha warbaahintu waxay dhacdadan isu diyaariyeen tobanaan sano kohor, waxayna muddo dheer kahor diyaarsadeen videos documentary ah oo ka hadlaya noloshii boqoradda.

Dad takhasus leh oo qoyska boqortooyada ka tirsani waxay heshiisyo rasmi ah la sii galeen warbaahin gaar ah si ay qaybaha  kale ee warbaahinta ugala hor maraan tebinta warkan. Kanaallada SKY iyo ITV waxay soo gudbin doonaan dhammaan wararka ku saabsan geerida boqoradda, magaca boqoraddana waxay ku beddeli doonaan magaca Mrs. Robinson.

Barnaamijyada maadeysiga ah ee BBC ka baxa dhammaan waa la joojin doonaa muddada 12 maalmood ahe ay socon doonto baroordiiqda geerida boqoraddu. Shirkadaha duullimaadyada dunidu dhammaantood warka geerida boqoradda waxay u gudbin doonaan rakaabka diyaaradohooda. London gebi ahaanba waa la xiri doonaa, waxana kulan degdeg ah isugu imaan doona baarlamaanka Ingiriiska.

Haddaba, imisa ayuu noqon doonaa kharashka ku baxaya geerida boqoraddu?

Dastuurka Ingiriisku waxa uu dhigayaa in gebi ahaanba kharashka ku baxaya aaska boqorka ama boqoradda ay dowladdu bixinayso. Annagu ma aynaan arag aas boqor ama boqorad Ingiriis ah muddo konton sano ka badan, hase yeeshee aaskii Amiirad Diana waxa toos u daawaday 2.5 billion oo qof, waxana ku baxay ku dhowaad $10 million. Kaasi waxa uu ahaa kharashkii aaska ku baxay oo qur ah.

Baanka Ingiriisku waxa uu haystaa wax ku dhow $3.6 billion oo waraaqo lacag ah oo la adeegsado kuwaasi oo dhammaantood xambaarsan sawirka boqoradda. Warqad kasta oo waraaqahaas lacagta ah kamid ah daabacaddeeda waxa ku baxay shan senti (£0.05). Sidaas darteed, waraaqahaas lacagta ah in dib loo daabacaa waxay Dowladda ka galaafanaysaa adduun dhan $200 million. 

Hase yeeshee Boqortooyada Ingiriisku ma aha dalka keliya ee lacagtiisa beddeli doona. Waxa jira 35 dal oo dunida ah oo lacagtooda ay ku sawiran tahay boqorad Elizabeth-ta 2aad. Qiyaasta ugu dhow ee beddelista lacagaha intaas la’eg oo laga leeyahay dalalka intaas la’eg kharashka ku bixi doonaa waa $10 billion. Waxa intaas dheer, maalinta aaska boqoradda iyo maalinta caleema-saarka boqorka cusub oo Boqortooyada Ingiriiska ka noqon doona fasax rasmi ah, dowladdana ku kallifi doona adduun dhan $3 billion halkii maalin. Sidaas darteed, kharashka guud ee la filayo in uu ku baxo geerida boqoraddu waxa uu gaari doonaa $8 billion.

Laakiin, kol haddii aan weli la adeegsan erayga: (London Bridge Is Down) ama qoor-xirkii madoobaa ee BBC ama Laambadihii Buluugga ahaa ee warbaahinta, taas micneheedu waxa weeye boqoraddu weli way caafimaad qabtaa oo wax laga welwelaa ma ay jiraan.

WQ/- Sabriye Musse

moqokori@gmail.com

Ad Banner 728 x 90
Abdulkadir Dulyar Abdulkadir Farah Dulyar waa aasaasaha dulyarnews.com. sidoo kale wuxuu doorweyn ka qaataa curinta iyo soo diyaarinta qoraalo badan oo isugu jira maqaalo, sheekooyin iyo warbixino ku saabsam dhamaan umada Soomaaliyeed meel walbey dunida ka joogaan.

LEAVE YOUR COMMENT

Your email address will not be published. Required fields are marked *