1. Home
  2. FAALLO
  3. WARBIXIN:- LAMA KALA CAD GOOSTO.
WARBIXIN:- LAMA KALA CAD GOOSTO.

WARBIXIN:- LAMA KALA CAD GOOSTO.

0
4

WARBIXIN:- LAMA KALA CAD GOOSTO.!!

•AFEEF :-

-Ma jecleyn inaan ka hadlo ama aan wax ka iraahdo waqtigan khilaafka siyaasadeed ee dalka ka jira, waayoo kani ma aha sida  kuwii hore ee aan soo arki jirney, ee waa mid si walba uga duwan oo leysla aaday meelo hoose iyo habar wacasho,Waa muran siyaasadeedkii ugu xumaa ee na soo mara, waxaana hubaal ah in qofkii wax ku darsada uu kala kulmayo wasaqeyn badan iyo in loo magac bixiyo.waana sababta aan isleeyahay dadkii ehlu caqliga ahaa wey uga aamusan yihiin. 

 Misna Anigoo sidaa u og,  intaan ka badan   kama sii aamusnaan karo ka hadalka DANTA GUUD, mana aha xarafyo uu Ilaaheey i baray inaan dadkeyga ka xasdo, ee xaajada sidaan u arkaan u soo xawilayaaye,xasuus naada Warbixinteydu wey xeelad dheer tahaye:-

————————000————-000———————-

WARBIXIN:- LAMA KALA CAD GOOSTO.!!!

Soomaalidu waxey tiraahdaa,”Labo Abeeso kala goosatay,Midna cad macaan ma cunin “ hadda Siyaasadda Dalkeena waxaa ku hardamaya dhinacyo badan,waxaase innaga inoo muuqda oo keliya waa mucaaradka iyo muxaafidka, oo iyaguna beryahaan dambe  la soo baxay arimo nagu wada cusub iyo tilaabooyin aynaan horey ugu arki jirin Madaxda dowladihii hore iyo mucaarad kooda, 

Runtii  xafiiltanka siyaasadeed iyo xamaasadda qabyaaladeysan ee iminka ka dhex socota Muxaafidka  & Mucaaradku waa mid xargo goys ah oo u muuqata iney soo dhaaftay xadkii loogu talagalay, shakina kuma jiro hadii aan si miyir qab leh loo wajihin ama looga hortegin  in laga wada dhaxli doono natiijo aan wanaagsaneyn, 

Wey muuqataa madaxda Dowlada Federaalku iney qalad gashay, lkn si hoose looma wada oga halka uu qaladkoodu ka soo bilowday iyo sababta ay madaxda dowladu qaladkaan u sameysay, sidaas oo kale wey cad dahay iney madaxda mucaaradkuna qalad sameeyeen, laakiin si dhab looma wada oga halka uu qaladkoodu ka soo bilowday iyo sababta ay qalad dhacay ugu wada saxayaan qalad kale, sidoo kale lama dafiri karo shacabkuna iney  qalad weyn sameeyeen, balse nasiibdaro ma wada oga qaladka ay sameeyeen iyo sababta ay qaladkaas u sameynayaan……….halkaas markeey taagan tahay, dabcan dhamaanteen waxaan nahay bulsho wada qaldan oo hadana isla quman, waana sababta ay madaxdeena muxaafid iyo mucaaradba aaney uga muuqan saansaan ah iney iyagu ka wada hadlaan khilaakooda,xalna u keenaan muranka siyaasiga ah ee ka dhex aloosan, waa sababta shacabkuna inyar mooyee ay intooda badan ugu kala hiilinayaan dhinacyada ishaya. Waa sababta ay beesha caalamkuna ugu muuqato iney ku faraxsan tahay khilaafka, waayoo warqadaha ka soo kala baxaya xaafiisyadoodu ma aha kuwa isla socda ama iska war qaba, ee waa kuwa u kala hiilinaya Dowlada iyo mucaaradka, 

Mar hadeey sidaas tahay, Walaalayaal uma baahna inaan marka hore waqti badan ku lumino wax iska weydiinta qaladaadka sadexda dhinac iyo faahfaahintooda, balse waxaa muhiim inoo wada ah inaan  qirano iney wax naga qaldan yihiin, oo ay weliba sii xirmayaan albaabo kale oo laga qabay rajo ah iney furi doonaan xal iyo iftiin ka duwan kuwa aan hada arkeyno, waxaana jira wax aan maanta sahashaneyno, oo birito meel xun tegi doona, ee Soomaaliyeey….hadda maxaa inoo dan ah:-

-WAXAA INOO DAN AH.:-

-In Wadahadalada bilowga ah ee lagu xalinayo wixii khilaafaad siyaasadeed ah ee ka dhexjira Dowlada iyo mucaaradka la taageero , islamarkaana aan isha ku wada hayno, si bal loo xaqiijiyo cidda ka saama jiideysa Nabada iyo hanaanka dowladnimo.

-In laga foojignaado ficilada iyo hadalada xamaasadeysan ee abuuri kara xasilooni daro iyo gacan ka hadal.

-In labada dhinacba aan lagu taageerin tilaabo kasta oo lidi ku ah Dowladnimada, Nabada iyo horumarka bulshada.

-In la helo Siyaasiyiin, Waxgarad,Culimo,Haween iyo Aqoonyahano dhexdhexaad ah oo isku xilqaama arintan, kana madaxbanaan khilaafka hada jira, kuwaas oo noqonaya Gudi culeys saar ah oo ka shaqeynaya iney Shirka wax wanaagsan ka soo baxaan, kadibna dabagal ku sameeya dhaqa gelinta qodobada lagu heshiiyo.si looga baaqdado isku tuur tuur dambe oo ay noola yimaadaan dhinacyada ku hardamaya talada dalka .

-Iyo, hadii ay dedaalada kale oo dhan shaqeyn waayaan,  in la helo shacab bisil oo ka  madax banaan Qabyaalad iyo Nin jecleysi,  diyaarna aan u aheyn iney Qof iyo koox  bedbaadiyaan, ee u diyaara iney dalkooda & Ubadkooda badbaadiyaan, kuwaas oo iyagu si iskood ah inta isku soo abaabula meelo kala duwan oo dalka iyo dibaddiisa ah ku soo bandhiga shucuurtooda iyo rabitaankooda, 

Ugu dambeyn, waxaan shacabka u soo jeedinayaa marna ineysan dareenka jira ku niyad jabin, balse ay u fahmaan oo keliya iney tahay ciqaab uga timid xaga Allah,loona baahan yahay in Allah SWTC xagiisa loola laabto loona towbad keeno, Madaxdeena Maanta,Shalay iyo tan Birina waxaan leeyahay Mudanayaal waxaan nahay shacab daalan oo aan Cudur (CORONAVIRUS) iyo Colaad wada xamili karine sida noo dhaama, oo idinkuna  SIDA LABO CADAAWO AH, LOOMA KALA CAD GOOSTEE, Fadlan dadka,dalka iyo dowladnimadaba u tudha, oo isku tanasula, calafkiinana Eebaa hayee,Ceebta ka xishooda.!!!

=TANI WAA ARAGTIDEYDA./-

WQ/- Abdulkadir Dulyar 

Maxaa yaab isdabayaal.!!

Ad Banner 728 x 90
Abdulkadir Dulyar Abdulkadir Farah Dulyar waa aasaasaha dulyarnews.com. sidoo kale wuxuu doorweyn ka qaataa curinta iyo soo diyaarinta qoraalo badan oo isugu jira maqaalo, sheekooyin iyo warbixino ku saabsam dhamaan umada Soomaaliyeed meel walbey dunida ka joogaan.

Comment(4)

  1. Faalo dheer oo lafa gur ah balse analayzizkeeda problem statementigeyda mushkilada jirta aan si specific aan wax u cayimin balse u eg cali gar leh Ceydiidna gar leh.
    Waxaa dhahday sadexdaba waa qaldanyihiin, shacab, mucaarad, iyo dowlad intaba.
    Laba bil waa Iska dul dhashaan laakin Laba gar iskama dul dhashaan oo ka aa iyo kanaa gar leh lama arag, lamana maqal.
    Waxaa dhacday ayada oo ladhiganayay maadada xisaabta ayaa Macalin saxayey exercise xisaab sadex arday u kala saxay xisaab midba midka kale aan islaheyn jawaabtooda ardayad kamid aheyd ardayda aa ardaydi kale weydiisay waayo keebaa saxan su'aashi aa badatay markaas aa wiil ka mid ah wiilashi yiri "waryaadahaa oo xisaabta aa jawaaba badan leh" hada dulyar aa irda badan leh Marba dhinac uu isku rogaa.

  2. M.A waxaan iimuuqata in suxufiyiinta xal ogaalnimada iyo xeel dheerida qofeed ee dhankastaba leh aysan kubadneed Somalia marka laga reebo Hal hal sida Dulyar

    Waad mahadsantahay

    Lkn kuwa ayagoo suxufiyiin ah laba wejiilaynaya ayina waa kusimayaal kuwo fcn ayaan kusugaynaa .

  3. M.A waxaan iimuuqata in suxufiyiinta xal ogaalnimada iyo xeel dheerida qofeed ee dhankastaba leh aysan kubadneed Somalia marka laga reebo Hal hal sida Dulyar

    Waad mahadsantahay

    Lkn kuwa ayagoo suxufiyiin ah laba wejiilaynaya ayina waa kusimayaal kuwo fcn ayaan kusugaynaa .

  4. M.A waxaan iimuuqata in suxufiyiinta xal ogaalnimada iyo xeel dheerida qofeed ee dhankastaba leh aysan kubadneed Somalia marka laga reebo Hal hal sida Dulyar

    Waad mahadsantahay

    Lkn kuwa ayagoo suxufiyiin ah laba wejiilaynaya ayina waa kusimayaal kuwo fcn ayaan kusugaynaa .

LEAVE YOUR COMMENT

Your email address will not be published. Required fields are marked *