1. Home
  2. FIKRAD
  3. UMAD DHACAN OO FARAXSAN
UMAD DHACAN OO FARAXSAN

UMAD DHACAN OO FARAXSAN

0
0

Markaan qoraalo badan oo Somali iyo Kenyan ba ay qoreen aan aqriyay, markaan dib u eegay habka ay dacwada baddeena u xalisay Maxkamada ICJ, markaan daawaday sida degdega ah oo ay Madaxdeenu u aqbaleen go’aanka ICJ, iyo markaan eegay dabaaldegga iyo damaashaadka Maryooleey, waxaa ii soo baxday in dadkeenu aaney si fiican u dhuuxin sheekada, islamarkaana aaney helin dad aqoon u leh arimahaan iyo waxa dhacay  oo si fiican wax ugu faahfaahiya. 

Waayoo Kenya waxa  ay markii horeba muranka gelisay waxey aheyd baddeena, waxa ay dacwadu ku saabsaneydna waxey aheyd  baddeena oo nalaku qabsaday, xukunka ay maanta gaartay Maxkamadda ICJ na nuxurkeedu waa Kenya oo lagu maslaxeeyay qeyb ka mid ah baddeenii, balse nasiibdaro Annagii waxeena la qaatay baa ka farxad iyo damaashaad badnaanay Kenyaankii  waxeena naga qaatay. 

“Kenya Ma waxaan cad badeedkaas u siinay laaluush maadaama ay wax ka badan nagu qabsatay?”

 Halkaas markeey taagan tahay, waxaa muhiim ah in leys weydiiyo dhowr arimood sida:- Kenya Ma waxaan cad badeedkaas u siinay laaluush maadaama ay wax ka badan nagu qabsatay, mise waxaan garowsanay in aynaan waqtigaan Kenya u babac dhigi karin awood ahaan oo aan intaan uga harno hadeey nooga qanceyso, mise waxaa jira qorshe ah inaan cadkaas Badda ahna aan ugu dareyno xisaabtii hore ee dhulka aheyd ee ay Kenya naga heysatay,  si waagii Soomaaliya  ay tabareysato  aan awood ahaan uga soo ceshano waxeena. Mise sida muuqata maba jiro wax qosha ah oo leysku raacsan yahay oo arinkaan meel nooga yaalla.. 

Ogaada hadii aan  maanta cadkaa badda ah loo magac bixin oo Aan faan iyo dabaaldeg keliya uga harno, waxey mustaqbalka Caruurteenu taariikhda ka aqrisan doonaan in dhulkaas Kenya ay maxkamadi u xukuntay kadib markii ay iyaga iyo Soomaaliya isku qabsadeen, hadiise Aan maanta taariikhda ku qorno in Baddaasi ay la mid tahay Dhulkii NFD ee shalay Gumeystuhu Kenya naga siiyay, sidaas si la mid ahna ay maanta Maxkamadda ICJ  iyaduna si qaldan cadkaas  baddeena ah  nooga siisay Kenya, waxa uu jiilba jiil ka dhaxli doonaa in  Baddaas  ay iyagu leeyihiin, sida aan Annaguba dadkii  naga horeeyay uga dhaxalnay taariikhda ah in Kenya & Ethopia ay naga heysataan dhul aan Annagu leenahay oo uu gumeystuhu naga siiyay.

Tankale, Waxaa jirtay bilowgii hore hadeyba suurtagal tahay fursad aan racfaan uga qaadan karnay go’aanka Maxkamadda, waa hadii  loyaradeena iyo madaxda noo joogtay Maxkamadda ay markii uu go’aanku soo baxay inta aaney u dabaaldegin oo aysan iyagu isugu hambalyeyn ay galin lahaayeen tashi Qaran, balse hada racfaan kasta oo aan qaadano waxaa caqabad ku noqonaya aqbalaadii ay Madaxdeena Qaranku aqbaleen go’aanka ka soo baxay Maxkamadda, iyo khudbadihii iyo qoraaladii ay Madaxdeenu mucaarad iyo muxaafidba isku dhaafsadeen baraha bulshada, iyadoo weliba guul beenaadkaas libintiisa lakala jiidanayo. Tiiyoo ay Kenyana weli la aamusan tahay go’aan keeda rasmiga ah si ay uga fekerto sidii ay ku heli laheyd waxkale oo dheeriya.

 Ugudambeyn , wax kastaba ha dhacaane, bal si Biyaha 12% ah ee Loo xukumey Kenya aan  u muujino inaan ka xunnahay oo aynaan raali ka aheyn  waa inaan dhamaanteen hoos u dhignaa dabaal-degyada iyo isku soo baxyadda, islamarkaana mar hadii ay inta badan dadkeenu  howtal hamag yihiin oo aaney waxbadan ka fahansaneyn qadiyayaddaan, waa muhiim in ay dadka aqoonta gaarka ah u leh Arimahaan oo kale ay xooga saaraan sidii  ay warbaahinta ula wadaagi lahaayeen faa’idadada iyo khasaaraha ka dhalan kara iyo sida looga lug bixi karo go’aanka shalay cad-badeedkeena  Kenya loogu xukmiyay. 

Waa aragtideyda gaaban.
Ad Banner 728 x 90
Abdulkadir Dulyar Abdulkadir Farah Dulyar waa aasaasaha dulyarnews.com. sidoo kale wuxuu doorweyn ka qaataa curinta iyo soo diyaarinta qoraalo badan oo isugu jira maqaalo, sheekooyin iyo warbixino ku saabsam dhamaan umada Soomaaliyeed meel walbey dunida ka joogaan.

LEAVE YOUR COMMENT

Your email address will not be published. Required fields are marked *