1. Home
  2. FIKRAD
  3. Yaabaye Ma Yaabteen
Yaabaye Ma Yaabteen

Yaabaye Ma Yaabteen

0
2

 

Hal mid waan xaqiiqsaday in waagii hore ay waalidiintu caruurtooda ka adkaayeen, xumaantana aysan hortooda ku sameyn karin, Caruurtuna ay waalidiintood ka baqan jireen, islamarkaana ay ixtiraami jireen, waalidka ka sokowna ay gabar waliba ama Wiil walba uu ka baqan jirtay Wiilasha iyada la dhashay, kuwa la qaraabada ah,& xitaa kuwa dariska la ah, dadkuna ay ahaayeen dad xalaal quudato ah oo isjecel, si guudna isku qadarin jiray, inkastoo dunidu sidaan aysan casri u aheyn oo aan la aqoon waxa maanta la yaqaano,oo aan loo wada nooleyn sida maanta loo nool yahay, oo xumaantu u muuqan sida ay maanta u muuqato, oo aan loo bahaloobin sida maanta loo bahaloobay.

Balse maanta waxaa muuqata in waalidiintu aaney caruurtooda ka adkeyn, xumaantana ka celin karin oo ay hortooda ku sameynayaan, waagii hore Wiilashaa qaarkood faroojo noqon jireen lkn hada Wiilashu waa i qarso Gabdhihii baa banaanka iskeenay, malaha caruurtu waxey waalidiinta ugu booteeyaan, hadaan waxaan rabo ley fasaxin Wlhy waa isqarxinaa ama waa tahriibaa oo baddaan galaa, MOOYI, markaasaa waalidkiiba caruurta ka cabsanayaa oo uusan waxba ka oran karin xumaan kasta oo ay Wiilashooda ama Gabdhahoodu hortooda ku sameynayaan, YAAB..

Waayoo sidaani macquul maaha iyo in waalidiintu wax ka ogaan waayaan, Wiilasha kama hadlayo kuwa wax la qasanaya,ee waa ka hadlayaa Wiilasha macquulka ah ee Gabdhaha la dhashay iney iyaguna wax ka ogaan waayaan waxaan sida public ah uga dhex socda Social Media, Wlhy aakhiro dhamaantiin waxbaa leydinka weydiinayaa.

Nasiibdaro culumadeenii halkii ay umada wanaaga fari lahaayeen xumaantana ka reebi lahaayeen waxey ku mashquulsan yihiin siyaasad iyo shirar beeleedyo, qaarkoodna waa iska aamuseen, lkn iyagana masuuliyaddaas maalinta Aakhiro waa la weydiinayaa ee ha ogaadaan waaba ogyihiine.

One Example: waxaa dhacday xaafadeena, gabar iyo Wiil dhalinyaro ah oo jaceyl isku guursaday ayaa in mudo ah TIKTAK & INSTAGRAM kooda soo dhigayay muuqaalo romantic ah oo ay ku muujinayeen iney noloshooda ku qabacsan yihiin, waxey wada isticmaalayeen hal cinwaan,halkaas waxaa ku jira muuqaalo aad isleedahay labadaan qof marna xisaabta kuma darsan in biri calaf kala wadi karo,in sheydaan isku diri karo ama wedku kala kaxeyn karo, waxey u dhaqmeen sidii lamaane hal Ticket oo GO ah ujartay nolosha, lkn waxaa dhacday mudo ka dib in labadii ruux kala tageen,cinwaankiina waxa uu u haray Wiilkii oo Password kii la wareegay,

Gabdhii oo labo caruura heysata ayaa misna waxey guursatay Nin kale oo dhalinyaro ah oo aan isna aan muudkiisa xakameyn karin, balse durba waxey isku khilaafeen gabadhii muuqaaladii si walba loo sameeyay ee INSTAGRAM ka dhexyaala qof walbana uu inta soo degsaday wareejinayo Social Media, qof damiir leh ma aha wax uu u adkeysan karo in xaaskiisa Ninkii ay kala tageen oo si walba ku sameynaya in maalin walba uu baraha ku dhex arko, Gabadhii oo xoogaa caqliyeysatay xitaa wey dareentay qaladkaas iyo xanuunka uu ku hayo,

Ninkeedii hore oo malaha ka xun guurkeeda dambe isna waa Wiil yar oo aan waxbadan kala xeerin karin, malaha si ku talagal ah ayuu muuqaaladoodii hore ugu faafinayaa Gabdha iyo Ninkan dambee guursaday saaxiibadooda. aakhirkii Mar labaad ayaa gabadhii gurigeedu wuxuu ku dumay muuqaaladii ay Ninkeedii hore wada duubeen iyadoo aan sida ay hada wax u fahamsan tahay aan u fahamsaneyn. bal eeg gabadhaa yar sida uu mustaqbalkeedu qalqalka u galay, dabcan keligeedna maaha ee beertaa lagu wada jiraa, oo gabdhuhu sida muuqata Wiilasha qaba iyagaa ku soo riixaya iney muuqaalo Romantic ah wada duubaan dabadeedna public laga dhigo,malaha hal ujeedado ayey ka leeyihiin waa iney Shaabad ku dhejiyaan Nimankooda si aan loogu qaldamin, lkn waxeysan fahamsaneyn saameynta dambe oo ay noloshooda ku yeelan doonaan muuqaalada isu talax taga ahi.

Ugu dambeyn, waxaan talo ahaan ugu soojeedinayaa,da’yarta isticmaasha Social Media iney aaladaan u isticmaalaan si taxadar leh, gaar ahaan Gabdhaha aad moodo iney jirkooda iyo dharka xeyeysiiyaan waxaan oran lahaa Ilaaheey ka baqa, ogaadana muuqaaladaani iney hadaad dhimataan xitaa ay ku harayaan baraha bulshada, ilaaheeyna idinkula xisaabtami doono, sidoo kalena mustaqbal kiina mololeed xiraa aaney u wanaagsaneyn oo aan laga yaabin Nin diin iyo sharaf rabaahi inuu gabar meel walba isqalqaloocineysa inuu soo haweysto, Tankale kuwa leh LAMAANE GUULEYSTAY ee iyaguna noloshooda ku qamaaraya arinkaas waan uga digayaa, waxaana u soojeedin lahaa iney sikale oo asluubeysan u soo bandhigaan jaceylkooda.

Maxaa yaab isdabayaal

Ad Banner 728 x 90
Abdulkadir Dulyar Abdulkadir Farah Dulyar waa aasaasaha dulyarnews.com. sidoo kale wuxuu doorweyn ka qaataa curinta iyo soo diyaarinta qoraalo badan oo isugu jira maqaalo, sheekooyin iyo warbixino ku saabsam dhamaan umada Soomaaliyeed meel walbey dunida ka joogaan.

Comment(2)

  1. Runtii waa arrin jirto una baahan iska ilaalin iyo taxadar dherraad ah. Allaha mawada hanuuniyo dhammaanteen.

    Mahadsanid Ustaad

  2. Runtii waa arrin jirto una baahan iska ilaalin iyo taxadar dherraad ah. Allaha mawada hanuuniyo dhammaanteen.

    Mahadsanid Ustaad

LEAVE YOUR COMMENT

Your email address will not be published. Required fields are marked *