1. Home
  2. Abdulkadir Dulyar

Abdulkadir Dulyar

Abdulkadir Farah Dulyar waa aasaasaha dulyarnews.com. sidoo kale wuxuu doorweyn ka qaataa curinta iyo soo diyaarinta qoraalo badan oo isugu jira maqaalo, sheekooyin iyo warbixino ku saabsam dhamaan umada Soomaaliyeed meel walbey dunida ka joogaan.

FARI TOG DHEER BEY KULA XUSHAA

Ex Taliyihii Ciidanka Booliska G/Banaadir Saadaq Joon tan iyo markii uu 12-kii April isaga oo wata ciidamo taabacsan kana soo horjeeda mudo kororsigii ay Baarlamaanku maalintaa u fadhiyeen iney Xukuumadda u sameeyaan, uu meel fagaare ah kaga dhawaaqay in aan la aqbali Karin mudo kororsi sharci daro ah, kana horyimid dowladii uu ka tirsanaa islamarkaana […]

WARBIXIN:- LAMA KALA CAD GOOSTO.

WARBIXIN:- LAMA KALA CAD GOOSTO.!! •AFEEF :- -Ma jecleyn inaan ka hadlo ama aan wax ka iraahdo waqtigan khilaafka siyaasadeed ee dalka ka jira, waayoo kani ma aha sida  kuwii hore ee aan soo arki jirney, ee waa mid si walba uga duwan oo leysla aaday meelo hoose iyo habar wacasho,Waa muran siyaasadeedkii ugu xumaa […]

WARBIXIN:- KHASAARAHA KA DHALANAYA DHIMASHADA BOQORADDA INGRIISKA. WQ/- Sabriye Muse

  KHASAARAHA KA DHALANAYA DHIMASHADA BOQORADDA INGIRIISKA Elizebeth-ta 2aad oo ah boqoradda United Kingdom, Antigua and Barbuda, Australia, the Bahamas, Barbados, Belize, Canada, Grenada, Jamaica, New Zealand, Papua New Guinea, St. Kitts and Nevis, St. Lucia, St. Vincent and the Grenadines, the Solomon Islands, and Tuvalu, maalin bay dhiman doontaa.  Ka hadalka mocduucani waxa laga […]

TANI WAA DHAKO KALE MARYOOLEEY

 TANI WAA DHAKO KALE,MARYOOLEEY.!!       Nin Sxbkeey ah oo ay isaga iyo qoyskiisu Mareykanka degan yihiin,baan xalay cabaar ka sheekeysanay doorashada la filayo iney dalkeena Dhawaan ka  dhacdo Sxbkeey intaanan waxbadan sheekeysan ayuu cambaareyn iyo eedo badan oo ay geysteen iyo kuwa aaney geysanba dusha uga tuuray qaar murashixiinta ka mid ah, mararka […]

TALO KU SOCOTA SAXAAFADDA

  AAN ISKA GARDAROODEE……Horta Aniga dadka kale waxba igama gelin, balse Caawa waxaan rabaa inaan si gaar ah ula hadlo bahdeyda Saxaafadda. Sxbyaal Salaan kadib, iyadoo uu qof walba oo innaga mid ahi  ra’yigiisa iyo siyaasaddiisa u madax banaan yahay, sidoo kalena uu xaq  u leeyahay inuu Siyaasiguu doono taageero ama uu midkuu rabo dhaliilo,inkastoo […]

WARBIXIN : SOOMAALIDU WEY KALA SOCOTAAYE, ISKUMA SOO SOCOTO

 WARBIXIN:- SOOMAALIDU  WEY KALA SOCOTAAYE,ISKUMA SOO SOCOTO.!! @Maryooleey..WQ/-2014- tii                                  -Soomaaliya waa dal ka xorowday Gumeysigii kala qob-qobayay 1960-kii,islamarkaana dadkeedu go’aansaday iney midoobaan 1-dii Luulyo 1960-kii iyaga oo isku qaba hillow iyo is jaceylna si wadajir ah u yagleelay jamhuuriyad Soomaaliyeed oo […]

SIYAASADDA SOOMAALIYA CALOOSHAA TAAGAN

Tan iyo markii dib loo soo dhisay dowladnimada Soomaaliya 20 sano ka hor,  iyo maanta oo la joogo waxa laga wada hadlayaa waa isla wixii berigaas laga wada hadlayay, mana aragno isbadal dhab ah oo ku yimid hab-dhaqankeena Siyaasadeed iyo tan bulsho ama wax waayo aragnimo ah oo aan ka kororsannay sannadahii ina soomaray.   […]

SHEEKO:- ARDEY & CASEEYE.

SHEEKO: ARDEY & CASEEYE.!!  Isagoo gacanta bidix ku sita gasac ay ugu jiraan agabkiisa shaqada “luujito, burush, iwm”, midigtana ku wata gaari caruureed ka sameysan ul loo qoray hab farsamo leh iyo taayiro ka sameysan kab dacas ah oo si farshaxameysan loo jaray ayuu iigu yimid meel aan shaah ka cabayay.  Wuxuu igu yiri ” […]

SHEEKADA BULSHADA KU CUSUB SIDEE LOO XALIYAA

SHEEKADA BULSHADA KU CUSUB SIDEE LOO XALIYAA.!! Markay timaado Sheeko Bulshada ka yaabisa oo ku cusub, waxaa waajiba in Buugaagta Taariikhda Dib loo eego iyo Noocyadii loo xaliyay, waxaynu soo Qaadan Doonaa Qisadii Saving Private Ryan, Qisadan waxaa laga Qoray Buugaag fara Badan, kuwaas oo uu ugu Caansanaa Buugga “Saving Private Ryan,” kaas oo laga […]

SHEEKO: JACEYL AAN LA AAMUSNAA 4 SANO

 SHEEKO:- JACEYL AAN LA AAMUSNAA 4 SANO. Waxey aheyd ardey nimadeydii,waxaan ahaa glass ka koowaad ee dugsiga sare ee Baarbe, waxaan isku fasal aheyn dhowr gabdhood oo dedaal badan xaga waxbarashada, marka la gaaro bareega iyagu dibadeey uga baxaan glass ka oo waxey aadaan maqaayad yar oo ku dhex tiilay Schoolka oo lagu iibiyo Sheetaro, […]